WAJAALE NEWS

Guddida Fulinta Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Oo Xilkii Ka Qaaday Guddoomiyihii Ururkaasi Xasan Maxamed Yuusuf

HARGEISA WAJAALENEWS ;Warsaxaafadeed Ururka SOLJA
Marka koowaad waxaanu ummada reer Somaliland guud ahaan, gaar ahaan, bahda Saxaafadda ee ururka SOLJA ku midaysan ka raali-gelinaynaa baaqyada cadhadu keentay ee uu warbaahinta mariyey Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee SOLJA Xassan Maxamed Yuusuf.
Mar labaadka waxaanu halkan ku bayaaminaynaa sida ay wax u dhaceen oo ahayd sidan: Gudoomiyuhu waxaa uu 22-kii bisha July 2014 qoray Warqadda uu doraad baahiyay ee uu guddiga fullinta kaga codsaday inay ansixiyaan Xubno uu u magacaabay qaban-qaabada shirweynaha ururka


Solja.
Sida ku cad dastuurka Solja Gudoomiyuhu keligii wax ma magacaabi karo, mar kasta waxaa ku waajib ah inuu la tashado Gud. xigeenka iyo Xoghayaha Guud…Gudida Fulintaana Ansixinaysa Sida uu isaga laftiisu ku caddeeyey Warka uu baahiyay.
Sidaas oo ay tahay guddiga Fullintu iyaggoon wax dhibaato ah u arag la tashi la’aanta ku xigeenka iyo xog-hayaha guud, waxaa ay isugu yimaadeen shir ay kaga arrinsanayaan soo jeedinta guddoomiyaha.
Xubinihii uu soo Xulay sababo sharciyeed awgeed waxaa laga soo reebay hal xubin, markii uu guddoomiyuhu arrintaas arkay waxaa uu bilaabay inuu shirarkii guddiga ka war-wareego.
Sida ku cad Dastuurka Ururka Solja, waxaa awooda maamul ee ururka leh Gudida Fulinta. Gudoomiyaha Ururkuna, waa Gudoomiyaha Gudida Fulinta.
Gudida Fulinta iyo Gudoomiyaha Ururku ma kala baxsana, balse hay’ad qudha ayey isku yihiin. Sidaa awgeed, marka Gudida Fulinta Xubnaha (1/3) soo jeediyaan shir gudidu yeelanayso, waxa waajib ah in la helo gudoomiyaha Gudida Fulinta. Haddii la waayo oo uu maqan yahay, isla markaana uu xaadir yahay Gudoomiye Kuxigeenka Gudida Fulintu, isagaa xilkaasi haggistiisa yeelanaya, maadaama uu Gudoomiyihii Shirkaasi Gudida Fulinta ka maqan yahay sabab la’aan.
Sidaas oo ay tahay haddana, waxaa la isla qaatay in loo diro ergo si uu goob-joog uga noqdo go’aanka soo jeedintiisii laga gaadhayo, subaxnimaddii 30-kii July ayaa loo diray Laba xubnood oo guddiga fullinta ah oo kala ah Maxamed Axmed Jaamac iyo Mustafe Sheekh Cumar
Geeddi. Waxaanu dalbaday in la sugo ilaa galinka danbe.. Markii uu yimi galinkii danbe Xarunta ururka SOLJA ee Hargeysa, waxaa uu la yimi dood uu ku difaacayo ra’yigiisa iyo cudur-daar hor leh oo uu ku dalbaday in haddana illaa subaxda lala suggo shaacinta guddiga qaban-qaabadda shirweynaha oo ka dhalatay soo jeedintiisii. Tiina waa laga aqbalay. Laakiin, Guddiga fullinta oo si isku mid ah loo doortay, islamarkaana guddoomiye nimadda u dhiibtay waxaa ay siiyeen qoraal
digniin ah oo ay ku cadeeyeen khaladaadka uu ka galay Distoorka ururka iyo in aanu mar kale ku dhaqaaqin. 12-kii habeenimmo ayuu haddana fariin u soo diray Cali Jaamac oo guddiga ka mid ah taasoo uu leeyahay shirka guddiga fullinta subaxda ma imman karro oo dacwad baan u
tagayaa Maxkamada ee u sheeg. Waqtigaas waa ay adkaatay in guddigii la wadda gaadhsiiyo fariintii waxaana loo sheegay in aanay suurta-gal ahayne uu subaxda yimaado shirka guddiga fullinta. Kaas oo lagga soo saaray guddi qaban-qaabo oo shan Xubnood ka kooban. Islamarkaana salka
ku haysa soo jeedintiisii hore oo wax ka badal iyo kaabis lagu sameeyay sida sharcigu qabo.
Arrintaasi markii ay dhacday ee warbaahintii guddigii fullintu gaadhsiisay waxaa uu ka daba-geeyay oo uu warbaahinta u kala diray Guddoomiye Xassan Maxamed Yuusuf Warqadii uu 22-kii July qoray ee wax ka badalka sharciga ah lagu sameeyay. Si uu jaha-wareer iyo khilaaf aan jirin ummada iyo warbaahinta Somaliland ugu sawiro.
Gabagabadii Waxaanu halkan ugu digaynaa Wasiirka Warfaafinta mudane Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo ururka ku milmay Dawladda ee SONSAF oo horeba ugu howlanaa xeer lagu cabudhinayo Saxaafadda iyo dedaal ay ujeedooyin gurracan oo aanu cadayn doono marka loo baahdo ay ka leeyihiin. Waxaana aanu leenahay joojiya khilaafka aan jirin ee aad
ka dhex-baadhaysaan ururka suxufiyiinta ee SOLJA.

Geesta kale, kulan ay maanta xaranta Ururka ku yeesheen xubnaha Gudiga Fulintu waxa ay xilkii Guddoomiyenimo kaga qaadeen Md. Xasan Maxamed Yuusuf oo hore u ahaa Guddoomyaha gudiga Fulinta.

Arrintaas oo ka dhalatay ka dib markii Md. Xasan Maxamed Yuusuf ku Talaabsaday falal isugu jira badhcadnimo, lslamarkaana uu u qaatay Asad Iyo Qalab Xafiisku leeyahay sifo sharci-daro ah.

Ta kale, Waxaanu halkan fariin uga diraynaa Xubnaha sharafta muddan ee Suxufiyiinta ah ee uu guddoomiyaha SOLJA ku magacaabay guddiga qaban-qaabadda shirweynaha, kuwaasoo aanu uga digayno inay ku hodmaan dabinka farsamo-xumaystay. Maadaama guddoomiyaha Laftiisu qiray in
aanu lahayn awood sharciyeed ee ay tahay in guddiga fullintu go’aan ka gaadho. Hawshaasina dhamaatay.
 

 

 

 

 

 

Exit mobile version