WAJAALE NEWS

DHACDO NAXDIN BADAN Laba Dhalinyaro Ah Oo Xalay Isku Del-Delay Xaafado Ka Mid Ah Hargeysa

Hargeysa(Wajaalenews)Waxa xalay saaka magalada Hargeysa lagu waa bariistay dhacdooyin isku mid ah oo walaac iyo layaab ku noqday dad waynaha magalada Hargeysa. Dhacdooyinkaasi oo ahaa in ay laba nin oo dhalinyaro ah ay isku dal-daleen xaafado ka mid ah magalada Hargeysa Gaar ahaan sheedaha iyo Siinay.wiil is deldelay

in kasta oo aan u jeedada ay isu dal daleen la garanahayn ayaa waxa ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ahi in dadkani ay ahaayeen,dad marka hore caqligooda qabay balse ilaa hada aan la garanahayn u jeedada ay u isu daldaleen ee ay u soo afmeereen noloshoodii ifka.

maaha markii ugu horeysay ee la arko qof is dila magaalada Hargeysa balse waxa yaab noqotay iyadoo aan in dhawayd la arag in hal mar ay laba dhalinyar ahi is ku dal dalaan meelo kala gadhisan

Exit mobile version