WAJAALE NEWS

Dalka Kenya oo walaac laga muujiyey khatarta inuu ku fido cudurka Ebola

HARGEISA(Wajaalenews);Hay’adda Caafimaadka Adduunka, ayaa sheegtay in dalka Kenya uu ku sugan yahay khatartii u weynayd ee fiditaanka xanuun-sidaha dilaaga ah ee Ebola.

Dalka Kenya, ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin dayacnaan weyn oo ah inuu ku soo faafo xanuunka Ebola ee baryahan dambe sida weyn u gummaaday qaar ka mid ah dalalka Galbeedka Afrika, kadib markii hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ay sheegeen in dalka Kenya oo ah meel ay ku kulmaan duulimaadyadda cirka ee ka yimaad dalalka ku yaal dhinaca Galbeedka Afrika.

WHO, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay si weyn uga walaacsan yihiin khatarta cudurka Ebola uu ugu fidayo dalalka ku yaal Bariga Afrika.

Isu-duwaha WHO ee dalka Kenya Custodia Mandlhate, ayaa sheegay in dalalka ku yaal dhinaca Bariga Afrika ay ku jiraan heerka labaad ee halista ugu sugan in ay soo waajahdo fiditaanka cudurka dilaaga ah ee Ebola.

Sidoo kale, olole dhinaca caafimaadka ayaa laga hirgeliyey madaarka ugu weyn ee diyaaradaha eek u yaal caasimadda Nairobi, iyadoo toddobaadadii u dambeeyey kor loo qaaday baadhitaano lagu samaynayey dadka soo gelaya dalka Kenya.

Dhinaca kale, dawladda dalka Kenya ayaa sheegtay in aanay gebi ahaanba xayiraad saari doonin duulimaadyadda ka yimaad afar dal oo uu haleelay cudurka Ebola, taasoo madaaradda dalka Kenya ay toddobaadkiiba soo fadhiistaan ilaa 70 duulimaad oo ka kala yimaad dalalka Galbeedka Afrika.

Xannuun-sidaha Ebola oo markii u horreysay soo baxay sannadkii 1976-kii, ayaa wuxuu mar dabe dib uga soo cusboonaaday dalalka ku yaal Galbeedka Afrika, kadib markuu qudha ka jaray ilaa 1000 qof, isla markaana si xawli ah ugu faafay badanka dalalka Galbeedka Afrika.

Xanuunka Ebola, ayaan ilaa hadda aan loo hayn wax dawo kahor tag ah ama tallaal, iyadoo xanuunkana lagu kala qaado taabashada iyo astaamaha lagu garto oo ah xummad aad u badan, shuban, hunqaaco iyo marka dambe oo uu dhiig ka soconayo qofka.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA /SOMALILAND

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version