WAJAALE NEWS

Booliiska Kenya oo sheegay inay Qabteen Mid ka mid ah Xubnaha Al-shabaab

HARGEISA (Wajaalenews) — Sarkaal ka tirsan booliiska dalka Kenya ayaa sheegay maanta inay gacanta ku dhigeen sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo horay u ahaan jiray saxafi.

Hadal uu sarkaalkan siiyay warbaahinta ayuu ku sheegay in sarkaalkan ay ku qabteen magaalada Nairobi ee xarunta Kenya, waxaana lagu magacaabaa Xasan Xanafi Xaaji, isagoo halkan u joogay sababo caaafimaad.

Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in qabashada sarkaalkan ay ku timid iskaashi dhexmaray sirdoonka Soomaaliya iyo kuwa Kenya, sida uu sarkaalkan Kenya ka tirsan uu u xaqiijiyay BBC-da.

“Ruuxan aanu qabanay wuxuu ku doodayaa inuusan ahayn Xasan Xanafi oo lagu qaldamay, isagoo noo sheegtay magac kale,” ayuu sarkaalku hadalkiisa ku daray.

Idaacadda ku hadasha afka dowladda ayaa horay u sheegay in Xasan Xanafi uu ku lug lahaa dilalka wariyeyaal badan oo Soomaaliyeed, kuwaasoo oo ay Al-shabaab ku eedeysay inay kasoo horjeesteen maslaxaddooda.

Dhanka kale, wararka ayaa waxay sheegayaan in dowladda Soomaaliya ay dalbatay in qofkan lagu sheegay Xasan Xanafi Xaaji loosoo wareejiyo gudbiyo Muqdisho si ay halkan maxkamad ugu saaraan.

Xarakada Al-shabaab ayaan weli ka hadlin arrintan, iyadoo wararka hoose ee laga helayo dhinaca dowladda ay sheegayaan inay dhici karto in ciidammo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ay tagaan Nariobi si ay u soo hubiyaan ruuxan la qabtay.

Kenya ayaa horay ugu eedeysay Al-shabaab inay mas’uul ka tahay dilalka iyo qaraxyada ka dhaca magaalooyinka waaweyn ee Kenya, iyadoo ay jirto in Al-shabaab ay sheegteen mas’uuliyadda weerarradaas qaarkood

 

Exit mobile version