WAJAALE NEWS

XOGGO IFTIIMINAYA IN RAYSAL-WASAARE KU XIGEENKA SOOMAALIYA YAHAY MASKAXDA IYO DHAQAALAHA KA DANBEEYA XISBIGA WADDANI IYO MUSHARAXNIMADA CABDIRAXMAAN CIRRO EE DOORASHADA 2015

Hargeisa(Wajaalenews)Warar soo baxaya ayaa tibaaxaya in ra’isal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Ridwaan Xirsi Maxamed iyo Guddoomiyaha xisbiga WADANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ay bishii April ee sannadkani kulan ku yeesheen magaalada Jibouti ee xarunta jamhuuriyadda Jibouti, xubno ku sugan dalka Jibouti ayaa HALBEEG u xaqiijiyey in kulankaasi ay labada nin ku yeesheen hotelka Kempinski ee dalka Jibouti ma cadda waxay labada nin ka wada hadleen, balse Guddoomiye Cirro iyo Ra’isal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Ridwaan Xirsi Maxamed oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland ayaa lahaan jiray xidhiidh saaxiibtinimo oo aad u qoto dheer.

Warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in Ra’isal wasaare ku xigeenk Ridwaan Xirsi Maxamed uu yahay maskaxda iyo mishiinka dhaqaale ee hagaysa xisbiga WADANI iyo weliba ololaha doorashada ee guddoomiyaha xisbigaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro, iyagoo labada nin ay si joogto ah khadka telefoonka ugu xidhiidhaan.

Siyaasiyiin ka soo jeeda dalka Soomaaliya oo saldhigoodu yahay magaalada London ayaa u sheegay HALBEEG in Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro uu olole laxaadleh u gallay in Ridwaan Xirsi Maxamed uu hantiyo xilka ra’isal wasaare ku xigeenka markii ay dawladda Sheekh Axmed ay tallada dalka la wareegta

Cabdiraxmaan Cirro ayaa marka la doonaayey in Ridwaan Xirsi Maxamed uu isku hello jagada ra’isal wasaare ku xigeenka iyo wasiirka arrimaha dibadda oo ay uga horaysay Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan.

Wararka ayaa tibaaxaya inaanay ahayn markii ugu horaysay ee Cabdiraxmaan Ciro iyo Ridwaan Xirsi Maxamed ay kulmaan, balse ay dhawr jeer oo kala duwan Cirro iyo Ridwaan ugu kulmeen meelo kala duwan oo ay ka mid tahay London, Helsinki iyo Addis Ababa.

Qaabkee Ayuu Ridwaan Xirsi Maxamed Ugu Ololaynaya Cabdiraxmaan Ciro Inuu Madaxweyne Somaliland Ka Noqdo..??

Masuuliyiin Soomaaliya oo ka tirsan dawladda ayaa u sheegay HALBEEG in Ra’isal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Ridwaan Xirsi Maxamed uu olole kasbasho ah ugu jiray Cabdiraxmaan Ciro maalmahii ugu danbeeyeyba gudaha magaalada Muqdisho, isagoo kulano la qaatay dadka dhalasho ahaan ka soo jeeda beesha dhexe ee ka mid ah baarlamaanka Muqdisho iyo dawladda dhexe labadaba sidii gacan dhaqaale iyo mid siyaasadeedba loo siin lahaa Cabdiraxmaan Cirro.

Ridwaan ayaa wuxuu ololahiisa ku balaadhiyey ra’isal wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu doonayo inay gacan dhaqaale u fidiyaan musharaxnimada madaxweyninimo ee Cabdiraxmaan Cirro.

Muxuu Doonaya Cabdiraxmaan Cirro..??

Wararka aanu hellayno ayaa tibaaxaya in dawladda Qatar oo ahayd dawladii dhaqaalaha ugu badan siisay Xasan Sheekh Maxamuud markii uu tartanka doorashada madaxtinimada gallay uu doonayo Cabdiraxmaan Cirro in lagu xidho, si ay u maalgeliso ololahiisa isla markaana isaguna uu dhinaciisa u fuliyo ballan qaadyo.

Ridwaan Xirsi Maxamed ra’isal wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa maalmahii ugu danbeeyey Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Soomaaliya kala hadlaayey sidii loo dhamayn lahaa gacan siinta dhaqaale ee Cabdiraxmaan Cirro, ma cadda waxaa lagaga bedelanayo.

Ridwaan Xirsi Maxamed Ra’isal wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya Oo Dhawaan U Fududeeyey Cabdiraxmaan Cirro Inuu Addis Ababa Kula Kulmo 7 Safiir Oo U Badan Safiradda Dalalka Carbeed..??

Bishii March ee sannadkani ayuu Cabdiraxmaan Cirro wuxuu kulano kula qaatay magaalada Addis Ababa ila todoba safiir oo u badan safiiradda dalalka carbeed, Cabdiraxmaan Cirro ayaa u gudbiyey dhammaanba safaaradahaasi waraaq, uu diiday Guddoomiye Cirro inuu faahfaahiyo wixii ku duugna, balse xogaha soo baxaya ayaa tilmaamaya in Ridwaan Xirsi Maxamed uu kulankaasi u fududeeyey Cabdiraxmaan Ciro.

wajaalenews.net

Xigasho:Halbeegnews.com

Exit mobile version