WAJAALE NEWS

Xildhibaan Nimco Bucul Ayaa Dawlada Hoose Ee Gabiley Ugu Baaqday In Si Cadaalada Dadka Reer Gabiley Looga Qaado Cashuuraha

Xildhibaan Nimco Bucul Ayaa Dawlada Hoose Ee Gabiley Ugu Baaqday In Si Cadaalada Dadka Reer Gabiley Looga Qaado Cashuuraha
ninmco bucul

Gabiley(Wajaale-news):xildhibaan nimco axmed cabdi (nimco bucul) oo ka tirsan xildhibaanada golaha deegaanka degmada gabiley, ayaa mar ay khadka telifoonka kulasoo xidhiidhay shabakada wararka ee wajaalenews sheegtay in ay dawlada hoose ee degmada gabiley ugu baaqayso in ay gabi ahaanba si cadaalada ay cashuuraha uga qaadaan shacabka reer gabiley oo aan qof jeclaysi- lahayn iyadoo arintaasi ka hadlasa ayaa waxay tidhi,

aniga oo ah xildhibaan nimco axmed cabdi (nimco bucul) kana tirsan xildhibaanada golaha deganka degmada gabiley waxaan dawlada hoose ee degmada gabiley gaar ahaan waaxda cashuuraha usoo jeedinayaa in cashuuraha ardiyada,dadwaynaha reer gabiley looga qaado si cadaalada oo aan qof jeclaysi-lahayn, cashuurtu waxay ku waajibtahay qof kasta oo wadinaya oo muwaadina, ama hanti halahado ama danyar ha ahaado,maaha in layidhaa qofkani magac iyo maamuus ayuu leeyahay markaa lagama qaadayo cashuuraha ardiyada, waa qalad arintaasi waa in cashuurta laga qaadaa qofkasta oo wadaniya loona qaado si cadaalada, oo ay kareebanatahay garasho iyo saaxiibtinimo qabyaalad ,oo dadka danyarta ah iyo kan maalqabeenbka ah si siman looga qado cashuuraha ardiyada, dawladeenu waxay ku dhisantahay waa cashuurta,cashurtana meel kale lama gaynayo ee dadka ayaa wax loogu qabanayaa,

mar shabakada wararka WAJAALENEWS ay isku dayday in ay xildhibaan nimco bucul arintan ay ka hadlaso waxka waydiiso ,waxyabaha ku kalifay ayaa waxay ku jawaabtay,

horta waxa weeyi inaan arintan ka hadlo waxa igu kalifay waxaan warbaahinta qaar ku arkay iyadoo guriga ay magaalada gabiley ku leedahay khadra xaaji gadhy oo hore magaalada gabiley u ahayd maayar intay shaqaalaha waaxda cashuuruhu ay kasoo qaaden albaabkii gurigeeda ,ay qaar kamida masuuliyiinta dawlada hoose isku maandhaafeen albaabka khadra xaaji gaydh lagasoo qaaday,oo masuulka cashuuruhu u qaabilsan dawlada hoose uu yidhi khadri miyaanay dadka lamid ahayn ,xaga masuulka kale ee difaacayay khadra xaaji gaydh albaabka laga soo qaaday uu yidhi khadra xaaji gaydh sidee khadra gurigeeda loo tagaa oo albaabka loogasoo qaadaa mayna hayn gudoomiyihii hore ee gabiley ,iyadoo markaa arintaasi keentay in khilaaf xoogan ka dhex aloosmo,madaxda ugu saraysa dawlada hoose ee degmada gabiley, markaa runtii arintaasi waxay igu kaliftay in aan lasoo xidhiidho shabakada oon halkan ka cadeeyo in shacabka si cadalada oo sharciya looga qaado cashuura, oo aan loo eegin marbay maayar ahayd iyo marbuu masuul ahaa lkn loo eego sharciga iyo kaalinta kaga aadan,waxaa kale oo igu maqaala ah in maayarka degmada gabiley shacayb maxamed muuse gurigiisa laga soo saaray albaabkii oo laga qaaday cashuurta,taasina waxay iftiiminaysaa in dadku usimanyihiin xaga sharciga,markaa yayna dhicin in masuulada dawlada hoose ayna marnaba difaacin shakhsi xidhiidh wanagsan ka dhaxeeyo, qofkasta oo muwaadina wuxuu xaq uleeyahay in la ilaaliyo oo aan dadka loo kala eexan, ugu danbayntii waxaan ugu baaqayaa maamulka dawlada hoose ee degmada gabiley gaar ahaan waaxda cashuuraha oo arintani khusayso, in loo kuur galo sidii dadka si cadaalada looga qaadi lahaa cashuurta ardiyada ee qofkasta oo muwaadina ku waajibka ah,

si kastaba ha ahaatee arintan ayaa kusoo beegmasa xili warbaahinta qaar qoreen in maayarkii hore ee degmada gabiley khadra xaaji gaydh gurigeedii laga saaray albaabka taasoo la sheegay in laga doonayay cashuurta oo lagu lahaa balse ay difaaceen qaar kamida masuuliyiinta ugu sareysa degmada gabiley,taasina ay dhalisay isku dhac ka dhex qarxay,masuuliyiinta dawlada hoose ee degmada gabiley iyadoo arintaasina loo dhameeyay si jabaq la,aana,

Exit mobile version