WAJAALE NEWS

“XIDDIGAHA Geesku, Waa Fanaaniin U Heesa Somaalida Oo Dhan, Waa Muwaadiniin U Dhashay Somaliland” War,Saxafadeed,

Hargeisa(Wajaalenews) – Abwaan Cabdirisaaq Xaamud Caydiid (Jaylaani) oo ka mid ah kooxda xidigaha Geeska, ayaa sheegay in la siyaasadeeyay barnaamij uu telefiishanka Soomaaliya ka duubay kooxdaasi, hasa-yeeshee kooxda xidigaha Geesku yihiin muwaadiniin reer Somaliland ah oo u heesta Soomaalida oo dhan.

Sidaana waxa uu ku sheegay War-saxaafadeed kooban oo uu caawa soo gaadhsiiyey SHabakada Wararka ee Wajaalenews.net. wuxu u dhignaa sidan;;

Jaylaani oo deba socda warar la xidhiidha barnaamij uu telefiishanka Soomaaliya ka diyaariyay xidigaha Geeska oo warbaahinta guduhu wax ka qoreen, ayaa yidhi “Barnaamijyadaa waa la siyaasadeeyay wax ujeedo ah oo aanu ka lahayn ma jirin, Xiddigaha Geeskuna waa fannaaniin u heesta Soomaalida oo dhan, laakiin waa nmuwaadiniin u dhashay Somaliland oo qarannimadooda jecel, cid nooga lexejeclo badani ma jirto”

Abwaan Cabdirisaaq Xaamud Caydiid (Jaylaani) , waxa kale oo uu ku dooday “Waad ka warqabtaan Xuasaskii kala duwanaa 18 may iyo 26 June heesihii waddaniga ahaa ee Xiddigaha Geesku ku soo bandhignay iyo heesaha kale ee ay bulshada kaga wacyigeliyaan arrimo ay ka mid yihiin Tahriibla, kuna dhiirigeliyaan mujtamaca” Abwaan Jaylaani

Afhayeenka kooxda xidigaha geesku waxa uu intaa ku daray fanaanka c/nuur alaale heesihiisa tv-yada waa laga soo daayaa oo somalidu way dhagaystaan – laakiin dal ahaan waa fanaan reer jabuutiya oo calankiisa iyo ciidiisa ku abtirsada anaguna sidaasoo kale heesahayagu meel kasta waa laga soo daynayaa laakiin fanaaniin reer Somaliland ah ayaanu nahay ee taasi cidnaba yaanay mugdi ka galin fanka iyo siyaasadana ha lakala saaro

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version