Hargeisa(Wajaalenews);Safaaradda Itoobiya ay ku leedahay Magaaladda Hargeysa ee Caasimada Somaliland, ayaa la sheegay inay Visa-ha dalkeeda u diiday saraakiil ka socda Hay’addaha Dawliga ah ee Somaliland oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha iyo madaxa Machadka Tababarrada Shaqaalaha dawladda.mixile
Masuuliyiintan ayaa la sheegay inay ka qayb-gelayeen Arday Somaliland u dhashay oo ka qalin jabinaya Jaamacad ku taala addis-ababa oo ay waxbarasho jaamacaddeed ka dhamaysteen. Waxaana la sheegay inay Safaaradda Itoobiya ku xidhay Waraaqo Marti qaad ah oo ay ka helaan Jaamacadda.
Ardayda ayaa la sheegay inay dalbadeen inay masuuliyiintan oo ay weheliyaan xubno agaasimeyaal ah kala soo qayb-galaan xafladda qalin jabinta, laakiinse waxa la sheegay inaanay Jaamacaddu dalban.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Masuuliyiintan oo la xidhiidha diidmada Visaha, hase ahaatee ilo-wareedyo Gobanimonews warkan ka heshay, ayaa sheegaya inay baaqdeen markii sharciga loo diiday.
Warku wuxuu intaas ku darayaa inay Ardayda waxbarashada dhamaystay ee Addis-ababa ku sugani Masuuliyiinta Jaamacada ay ka qalin jabiyeen ay u waydiiyeen Marti-qaad, taasoo sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay ee laga halay ku guulaystay dalabkooda.
Xubno ka mid ah Ardayda ayaa laga soo xigtay in Madaxweynaha Machadka ay wax ka barteen uu u ogolaaday Waraaqaha ay ku martiqaadayaan masuuliyiintan.
Ma cadda inay safaaraddu ku qanci doonto taas iyo in kale,waxayse dhacdadani ku soo beegmaysaa xili wali xuduudka labada dal u xidhanyahay arrimo dhanka ammaanka ah, sida ay hore u caddeeyeen labada dawladdood.
Hase ahaatee diidmada noocan ah ee takooridu ka muuqato ayaa nusqaan ku ah Dawladda Somaliland, sababtoo ay tahay madaxda dawladdaha ee arrimo shaqo isaga socdaalayaa waa aan shaki amni daro laga qaadan Karin.
Hadaanay sidaas ahayn waa inay dawladda Itoobiya caddeysaa inaanay xataa dalkeeda geli Karin Madaxda dawladda Somaliland, isla markaana taas bedelkeeda aanay iyaguna u soo gudbi Karin.
Socdaalka dhinaca Dhulka ayaa ka xidhnaa Wajaale iyo meelaha kale ee laysaga talaabo, tan iyo bishii hore.
Iyadoo ay mawaadiniin badan oo Somaliland u dhalatay ku xayiranyihiin Magaalooyinka dalkaasi oo intii ay ku sugnaayeen xadka la xidhay.
WAJAALENEWS DESK
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM