Gabiley(Wajaalenews) ‘Munsibad Baladhan oo lagula kala wareegayay Ijiin Laydh oo Hadia Medical Swiss ugu Deeqday Cisbitaalka Gabiley,Munasibadaasi ayaa Waxa kale oo ka soo Qaybgalay Wasiirka Wasarada Gancsiga Iyo Maalgashiga Soomalind Dr Muuse Qaasim Cumar Xildhibaan C/laahi Xuseen Cige, Mayarkii Hore Magalada Gabiley Marwo Khadra Xaaji Gaydh, Maamulka Cisbitaalka Gabiley Dr Deeqa Cumar Xaaji Siciid, Cuqaal Masuuliyiin Sar Sare oo Ka socday Hadia Medical Swiss, Gudoomiyaha Ururka Haweenka Now ee Gabiley Haweeya Cabdi Kaahin, iyo Marti Sharafkale oo aad u tiro badan.
Munasibadaasi ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Wasiir ku xigeenka Wasarada Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan waxayna aad ugu mahad celisay hadia Medical swiss waxayna wasiirku sheegtay in Cisbtaalka Gabiley Ku yaalo Meel ay Marto Wado Dheer islamarkaasina Ijiinkani Laydhku uu Wax badan ka taridoono Howlo Maalmeedkiisa haday tahay mishiinada Xrayga iyo Haday Tahay Kuwa Tiyaatarka Cisbitaalna Hadaanu Laydh Hasanin Shaqada uu Qabtaa Runtii Waa Gabaabsi Cisbitaalkana Waxaan u rajaynayaa hawlihii u qabanjiray inuu ka sii badiyo.
Maamulka Cisbitaalka Gabiley Dr Deeqa Cumar Xaaji Siciid ayaa Ka war Bixisay Hadiya Midical swiss Waxyabaha ay ka qabatay Cisbitalka waxayna Sheegtay inay Hadia Midical swiss labadii todobaad ee ugu danbeeyay cisbitaalka Gabiley ka Waday sidii ay Dab ugu Helilahayd Cisbitaalka Waxayna Cisbitaalka ku Deeqday Ijiin laydh oo Cisbitaalku ku Shaqayn doono Mana aha Markii ugu Horaysay Hadia Medical swiss Cisbitaalka Wax ugu Deeqdo Balse ay Wax Badan oo kale Ka Qabatay Cisbitaalka.
Sidoo Kale Waxa Munasibadasi Hadalo Kooban Ka soo Jeediyay Badhasaab ku Xgeenka Gobolka Gabiley Mudane Cali Cabdi C/laahi (Cali Case) waxaanu aad ugu mahad celiyay hadia Midical Swiss Waxaanu Sheegay inay Ka maamul ahaan ay si Fiican ula Shaqayn doonaan Waxaanu Badhasaab ku Xigeenku Hadalkiisa ku daray in cisbitaalka Gabiley yahay Cisbitaal ku xidhan Bulsho aad u Balaadhan markaa isla markaana cid kasta oo daryeelkiisa wax ka qabata ay ka maamul ahaan aad ugu mahad naqayaan.
.
Mayarkii hore ee Magalada Gabiley Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo iyaduna Munasibadasi Ka hadashay ayaa sheegtay in cisbitaalkani uu soo maray Marxalado Kala duwan islamrkaasina ay goob jog u ahayd balse hada uu maraayo meel aad u fiican islamrkasina uu ku jiro Cisbitalada ugu Wanaagsan Xaga Gobolada Soomaliland .
Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan oo isaguna halkaasi ka soo jeediyay hadalo mahadnaq iyo Dar daaran u badan.