Odayashii iyo Wasiiradii ka daba hadlay waxay ku dheeraadeen Wanaaga iyo Waxtarka Xaaji Xirsi iyo waxqabadka Xisbigga Kulmiye
WACADKII WASIIR XIRSI WUXUU KU EEGYAHAY 31st July- : BURCO-OODWAYNE-HARGEISA
Helvetica, Arial, Lucida Grande, sans-serif; font-size: 12pt;”>
Wasiir Xirsi iyo wafti ballaadhan oo uu hogaaminaayo ayaa bulshada Gobolka Daad madheed ugu balan qaaday in Cara-tuulka jidka isku xidha labada Gobol ee Togdheer & Daadmadheedh lasoo afjari doono ugu danbayn 31/7/2014. Waxa kale ku bushaareeyay in Madaxwayne Siilaanyo dhagax dhigo doono 18 KM oo laami ah “Paved Road” dhamaadka bisha August,2014,. Bulshadii goobtaas tubnayd waxay isku dareen Sacab, Sawaxan iyo Mashxarad.Waxa Wasiir Xirsi loo dhiibay gorof caano geel ah oo Xoor leh ; madaxa waxa loogu shubay “Subag”, cimri dhirir iyo Ducana waa loogu daray . Odayashii iyo Wasiiradii ka daba hadlay waxay ku dheeraadeen Wanaaga iyo Waxtarka Xaaji Xirsi iyo waxqabadka Xisbigga Kulmiye. Maanta oo aynu joogo 26th July, 2014 dhagaxii Wasiir Xirsi dhagax labaad laguma kordhin.Balaanqaadka beenta ee Kulmiye waxa ka mid ah dhagax “ Dhig oo ka Dhaqaaq”. Hadaba, dadka gobolka u dhashay, gaar ahaan ganacsatada iyo qurbajoogta, waxa la gudboon inay fadhiga ka kacaan oo horumarka dalkooda iyo deegaankooda ka qayb qaataan, kana ilbaxaan wacadka beenta ah ee Wasiir Xirsi & Company.
Ali Ibrahim” Baqdaadi”, Toronto.