WAJAALE NEWS

Siyaasadda Waxbarashada (Education Policy), W/Q:Ahmed Rasheed.

Dhiirrinta cilmi baadhista aasaasiga ah (Basic Scientific research) ee saameyn ku leh bii’adda iyo hirgelinta natiijooyinka wax tarka yeesha.

Siyaasadda waxbarashada aynu doonayno inaynu reer Somaliland aqoon darrada kaga xorayno waa in aasaas looga dhigaa sifooyinkan oo laga duulaa marka siyaasadda waxbarashada la dejinayo:-

 

* Waa in loo sinnaadaa fursadaha wax barasho oo heer kasta leh, iyada oo aan loo eegayn, wiil, gabadh, da’da, gobol, miyi, magaalo, sabool, taajir, laxaad la’aan (sida: dhego la’aan, indho la’aan, curyaan, sacsac).

 

* Meelaha laga la maarmi waayo waa in laga hir geliyaa, dugsiyo loo hoydo (Boarding Schools).

 

* Barnaamajyada waxbarasho ee u qorsheysan cidhib tirka wax akhris la’aanta dadka waa weyn iyo dallinyaradaba (rag iyo dumar), waa in laga fuliyaa reer miyiga, beeraleyda, tuulooyinka iyo magaalooyinka.

 

* Daryeelidda iyo dhisidda garoommo, goobo isboorti oo laga helo dugsiyada dhammaantood iyo magaalooyinka. Si

dhallinyarada iyo ciddii kastaa loogu dhiirriyo ka qayb qaadashada ciyaaraha isboortiga. Isboortiga oo waxtar weyn u leh dhisidda jidhka iyo korinta maskaxda qofka koraya.

 

* Ilaha waxbarashada ee madax bannaanna (Privately Run Learning Institutions), heer kasta oo ay yihiin, waa in lagu dhaqaa siyaasadda guud ee qaranku ka leeyahay Waxbarashada, sida manaahijta waxbarashada iyo himilooyinka aasaasiga ah ee Qaranka.

 

* Dareenka dabeecadda bii’adda dalkeena (environment) iyo sida ay saameyn ugu yeelato nolosha dadka, nafleyda kale iyo horumarka dalka. Sida nabaad guurka iyo isticmaal xumida khayraadka dabiiciga ah (Natural Resources).

 

* Dhiirrinta cilmi baadhista aasaasiga ah (Basic Scientific research) ee saameyn ku leh bii’adda iyo hirgelinta natiijooyinka wax tarka yeesha.

 

* Barnaamijyada horumarinta awoodaha xoolo dhaqatada, kaluumaysatada iyo beeralayda. Waa in loo adeegsadaa:- Dugsiyo wareega (Mobile Schools), radiyow, filimmo, riwaayado, doodo aqoon isweyraadsi ah. Ujeeddadu ka dambaysaa waa baahinta aqoonta wax tarka u leh wax soo saarkooda, badbaadinta dabeecadaha dhulka, nadaafadda iyo aasaasiyaadka caafimaadka qofka.

 

* Jiritaan qayb (Department) manaahiijta ah oo hoos timaaddaa Wasaaradda Waxbarashada. Waxa mas’uuliyadi ka saarantay diyaarinta Manaahijta waxbarashada heer kasta iyo maadad kasta. Kuwaa oo ay ku salayso siyaasadda waxbarashada qaranka. Diyaarinta iyo soo xulidda agabka kala duwan ee waxbarashada lagu fuliyo.

 

* Miisaaniyad sannadeedka Qaranka, waa in ay ka muuqataa ahmiyadda la siinayo Waxbarashada iyo sida xooggan ee loogu baahan yahay aqoon horumar iyo isbeddel deg deg ah ummaddu ka kasbato.

 

 

W/Q:Ahmed Rasheed

HARGEISA,SOMALILAND

Exit mobile version