WAJAALE NEWS

Raxan Wasiiro ah oo Tamashle Ugu Baxaya Jabuuti Iyo,Xildhibaan Bashiir oo Golaha Wasiiradda Somaliland ku Tilmaamay kuwo aan xil iska saarin Waajibaadkooda

;wasiiradii ugu badnaa abid oo tamashlay ugu baxay dalka jabuuti iyo bulshada reer somaliland oo ay ku noqotay arin amakaaga….

 “Waxa dalka ku hadhay oo kaliya Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Af-hayeenkii Madaxtooyadda”

HARGEISA(Wajaalenews) ;Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale, ayaa warqad qoraal ah oo uu soo gaadhsiiyey shabakadda wararka ee Wajaalenews.net, ayaa wuxuu kaga waramay arrin uu ku tilmaamay nidaam masuuliyad darro oo ay ku tallaabsadeen Golaha Wasiiradda Somaliland oo dhammaantood u duulay dalka aynu jaarka nahay ee Djibouti, taasoo ay ka qaybgaleen xafladda meher lammaane reer Djibouti ah.

Xildhibaanka, ayaa intaa ku daray in hawlihii iyo masuuliyaddii ummadda reer Somaliland ay u igmadeen Wasiiradda ay gabeen waajibaadkii loo doortay iyo inay hawlaha qaranka ka doorbidaan dano kale oo aan wax muhiimad ah u lahayn shacabka reer Somaliland, waxaanu hadalkiisii u dhignaa sidan.

Waxaan halkan ka cambaaraynayaa Golaha Wasiiradda Somaliland oo dhammaantood u dhoofay dalka Djibouti oo ay u tageen arrin aad loola yaabay oo ah meherka laba lammaane oo reer Jabuuti ah, caawa waxa dalka ku hadhay oo kaliya Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Af-hayeenkii Madaxtooyadda.

Markaa, waxay shacbiga reer Somaliland ka yaaban yihiin mas’uuliyad daradda ka timi nimankii Madaxweynuhu kaga tagay dalka.

Sidaa daraadeed, arrintan waxay shacbiga reer Somaliland ku abuurtay kalsooni darro aad u weyn, haddii cidi tagi lahayd waxay ku haboonayd madax-dhaqameedka, maadaama oo ay tahay arrin dhaqan.

Ugu dambayn, arrintan waa mid dhaawac weyn ku keentay qaranimadda Somaliland. ayuu yidhi, xlldhiban bashiir,

 

Arinta safarka wasiiradan ayaa lagu sheegay mid dhaqan oo aan iyaga khusaynin waana arin inagu cusub

Wasiiradii ugu badnaa abid oo tamashlay ugu baxay dalka jabuuti iyo bulshada reer somaliland oo ay ku noqotay arin amakaaga

Dhamaan xukuumadihii somaray somaliland ayaan marna dhicin raxan wasiro ah iskaga baxa tamashaly aan waxba qaranka kasoo galay

Arinta ay u baxayaan ayaa lagu sheegay meher lamaane reer jabuutiya kuwaasi oo ka tirsan qoyska madaxtooyada xukuma iyadoo dhamaan ay haawanayaan xafiisyada wasaaraduhu gabi ahaana ayna kasocon wax shaqo ahi

Madaxwayne siilaanyo ayaa isku ku maqan safar caafimaad kasi oo aan la ogayn mudada uu qaadan doono, isagoo dalka kaga siitagay wasiiradan dalxiiska u baxay iloobayna dantii qaranka iyo u jeedadii loomagacaabayba,

Magacaanta wasiirada tamashlaha ugu baxay cashuurtii danyarta baahan ee u baahan gargaarka

1; Wasiirka maaliyada Cabdicasiis Muxumed Samaale;

2, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi cali xasan

3;Waiirka Warfaafinta Cabdilaahi Cukuse

4;Wasiirka Arimaha Gudaha cal waran cade

xubnaha ayaa qaar baxeen xaga kuwa kale ay bixi doonaan bari

Iyagoo isada lashegay ka qaybgalaya meherka inan uu dhalay madaxwayanah jabuuti Ismaaciil Cumar Geele

 

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version