WAJAALE NEWS

Qoyska Madaxwene Siilaanyo Oo Guri Qaali Ah Oo Nooca Raaxadda Ah Ka Iibsaday Xaafada Chelsea Ee West London

Hargeysa(Wajaalenews);Marwada Madaxweyne Siilaanyo Amina Maxamuud Jirde( Amina Weris ) ayaa dhawaan Guri weyn oo nooca raaxada ah ka iibsatay xaafada Chelsea ee west london ee cariga ingiriiska(UK).

Gurigaasi ayaa Qoyska madaxtooyadu ku iibsadeen sagaal boqol iyo sagaashan kun oo poundka ingiriiska ah(990.000£) una dhiganta qiyaas ah Hal milion Todoba boqol oo kun oo Dolar( 1.700.000$).

 

 

 

 

Sababta safarkii ugu danbeeyey ee Marwo Amina Weris ku timid magaalada london waxay ahayd su,aalo bankigii guriga ku wareejinayey Amina Weris weydiinayey oo ay ka mid ahayd( Xagaad ka keentay lacagta xadigan leh iyo la kaalay mudadii aad ingiriiska joogtey meelihii aad ka soo shaqeysey si loo ogaado halkaad ka keentay lacagta xadigan leh).

Waxaa cadaatay in Amina Weris aysan weligeed ka shaqeyn cariga ingiriiska balse Amina weris ayaa madaxda baanka u sheegtay in lacagtaasi ay caruurteedu ka shaqeysteen cariga ingiriiska odeygeeduna uu mushaar fiican qaato maadaama uu yahay Madaxweynaha Somaliland.

Baankii guriga u kala wareejinayey Amina Weris iyo dadkii ay ka iibsatay guriga ayaa la yaabay jawaabta Amina Weris waxay kale oo la yaabeen in Madaxweyne Dal aan la ictiraafin oo sabool ah uu lacag intaasi le’eg uu mushaar u qaato.

Hadaba akhristayaalow aan Su’aal idin weydiiyee Halkay Amina Weris Lacagta xadigaasi leh ka keentay?

 

Source HAATUF

Exit mobile version