Bal u fiirsada waxyaalaha aynu had iyo jeer ku dhaqano ama qaar inaga midi ay ku dhaqmaan hadana aynu doonayno in wax waliba hagaagan
BISMILAAHI ARAXMAANI ARAXIIM
Marka hore waxaan salaamayaa saxaafada xorta ah ee muwaadiniinta ah ee aan fidnada kashaqayn iyo dhamaan shacabka somaliland dibad iyo gudoba.
Hadaba hadii aan usoo gunda dago maqaal kayga oo aan doonayo inaan maanta kaga waramo hadii illaahay yidhaahdo waxyaalaha danta guud ay qofwalba u tahay inuu ilaashado iyo sababta ay ugu xidhantahay danta gaara,hada maaha dan gaara oo gunta ka dalooli ah ee waa mid ku dhisan islaamnimo iyo lexejeclo iyo if iyo aakhiro eeg.
Bal u fiirsada waxyaalaha aynu had iyo jeer ku dhaqano ama qaar inaga midi ay ku dhaqmaan hadana aynu doonayno in wax waliba hagaagan oo wax waliba sax
noqdaan.
maaha shacabkoo dhan laakiin shacabka qaarkii ayaa sabab u noqda khaladaadka
maamul kasta ku yimaada oo majaraha saxda ah kalumiya oo ninkii masulka ahaa ku guubaabiya inuu wax ka uruursado khaasatan nin walba qoyskiisa oo odhanaya reerkeenana ku ururi meeshaas uu xilka ka hayo markaasaa laqayliyaa kuwa qaylinaya laftooda in daacada mooyee waxay sameeyeen sidaasoo kale ama samayn lahaayeen laakiin dadku mawada xuma runtii ee in baa qiiqa kicisa, hada wanaagna way rabaane ogow,ereyada la adeegsado waxaa kamida dhacdhac maleedahay meesha lagu geeyay,waar wax ka qabso intaad meesha joogto.
bushadeena waxaa kamida khaladaadkeeda ay had iyo goor samayso.
1-qof doonaya in aan isaga la caayin hadana wax caayaya oo waliba been abuur iyo xaasidnimo samaynaya oo doonaya inaan lagu gafin ee uu isgu wax ku gafo.
2-reer (majority)intooda badani isku raacaya wax dulmi ah oon doonayn inaan isaga la dulmiyin waligii,laakiin umad maaha hadii dadku khalad isku raaco ee waa inay khaladka iska qabataa.
3-danta guud oo tii gaarka ahayd ay kala wacan tahay dadka qaar oo aan wanaag kasta haduu kasoo horjeedo dantiisa gaarka ah aan ogolayn oo aan yeelayn.
4-Dadka qaar baan kala eegin eexda cadaalad darada iyo waxaasi ma xaaraan baa mise waa xalaal.
5-Siyaasadii iyo qabyaaladii oo is dhex galay,iyadoo aan sidii wanaaga ahayd lagu salaynaynin,ee laakiin ku salaysan dano gaara oo shaqsiyadeed iyo kursi ku gaadh.
Qabiilku waa waxa ilaahay inoo abuuray oo uu inoo sheegay (wajacalnaa shucuuban wa qabaa,ilan litacaarafuu)waxaa illaahay yidhi subxaana watacaala,waxaanu idinka yeelay shucuuban iyo qabaa,il si aad isugu garataan.
xigmada kujirtaana waa sida xoolohoo kalaynu noqon lahayn qofku uu garan waayo inta uu gayo iyo inta aanu gayin iyo nasabtoona.
Laakiin laynama odhan isku dulmiya oo isugu eexda oogawdaa iskaga saara,
Nabiguna wuxuu yidhi (SCW) walaalkaa uhiili marka laga gardaran yahay iyo marka uu gardaran yahayba asxaabtii baa ku tidhi (RC) oo rasuul allow marka laga gardaran yahay garanee markuu gardaranyahay waayo wuxuu yidhi(SCW) dee qabo oo khaladka ka qabo.
Hadaba hadii qabiilka lagu dabakhayo oo lagu salaynayo xaga wanaaga alle iyo danta guud iyo wixii wanaaga oo la isku raaco iyo wixii khalada oo la iska qabto waa la isku kalsoonaan lahaa wanaagna waynu gaadhi lahayn.
Sidaa darteed hadaba bal aynu iswaydiinee sidee baynu ku noqon karaa qaran wanaagsan oo barwaaqo iyo cadaalad aynu ku gaadhno inagoo illahay la kaashanayna. waxaynu ku gaadhi karaa inagoo xaga dhaqanka wanaagsan iyo diinteena suuban wax ku salayna oo qof waliba isa saxo waxa kaxun uu ka toobad keeno oo bulshada wanaag iyo horumar u horseeda oo naftiisa iyo umadaba xaga wanaaga ku jaheeya taasaa danta shaqsi iyo taguudba ku jitaa.
ILLAAH BAA MAHAD DHAMAANTEED LEH.
ILLAAHOW XAQA NASOLANSII.
BY:MUSTAFE IBRAAHIM MAXAMED.