WAJAALE NEWS

Qalabkii ku xayirnaa Itoobiya ee lagu samaynayey baasaaboorka cusub ee Somaliland oo Dalka soo gaadhay

Hargeysa(Wajaalenews) Qalabkii lagu samaynayey baasaaboorka cusub ee Somaliland eek u xayirnaa madaarka Itoobiya oo si qalad ah loogu soo hagaajiyey Dalkaasi ayaa soo gaadhay caasimadda hargeysa, kadib markii la dhamaystiray qaladaadkii sababay inay isku maandhaafaan shirkaddii qalabkan soo Iibisay iyo waaxda Kastamka madaarka Addis ababi.

Qalabkan oo qayb ka ahaa bilaabista hawsha samaynta baasaaboorka oo xilli hore la filayey ayaa si rasmi ah usoo dhamaystirantay waxaana lagu wareejiyey wasaaradda maaliyadda oo la wareegtay maamulista Dakhliga baasaabooradan maadaama ay wasaaradda Maaliyaddu bixisay kharashka lagu samaynayo.

Baasaaboorka Somaliland waxa Dakhligiisa qaadan jiray Baanka Dhexe ee Somaliland, kaasoo bixiyey dhaqaalihii lagu soo daabacay, hase yeeshee waxa baasaaboorkan cusub Dakhligiisa laga bixiyey Miisaaniyadda Qaranka, taasoo laga bixiyey Kharashka lagu samaynayo, isla markaana waxa Dakhliga ka soo baxa baasaaboorada lagu celin doonaa isla Miisaaniyad sanadeedka.

Khubarada qalabkan laga soo Iibsaday ayaa tababar ku siin doonta shaqaalaha Laanta Socdaalka Somaliland maadaama baasaaboorka cusub ka casrisan yahay kii hore gacanta lagu buuxin jiray

 

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version