WAJAALE NEWS

Nin Ku Hubaysan Tooray Ayaa Hargeysa Ku Dhaawacay Afar Qof Oo Masjid Ku Tukanayay

Hargeysa (Wajaalenews) – Nin tooray ku hubaysan ayaa afar qof ku dhaawacay Masjid Ku yaala xaafad ka tirsan degmada Maxamuud Haybe ee Magaalada Hargeysa.

Afarta qof ee dhaawaca uu u geystay ayaa waxa ku jira imaamkii masjidkaasi iyo waliba saddex qof oo kale oo ka mid ah dadkii ku tukanayay Masjidkan oo ku yaala Saylada Xoolaha ee Magaaladda Hargeysa.

 Ilaa iminka lama garanayo sababta uu ninkaasi dadka weerarka ugu qaaday, balse dadkii uu dhaawacu soo gaadhay ayaa loola cararay Cusbitaalka Weyn ee Magaaladda Hargeysa halkaas oo lagu dawaynayo.

Sidoo kale ciidamada booliska iyo waliba dad shacab ah ayaa gacanta wada jir ugu dhigay ninkaasi, kaas oo xabsiga loo taxaabay

Exit mobile version