WAJAALE NEWS

Mesul Ozil oo Aduun Maaliyadeed Ugu Deeqay Carruurta Gaza.

HARGEISA(Wajaalenews) ;Laacibka xulka qaranka ee k u guulaystay koobka aduunka , Jarmalka iyo naadiga Arsenal ee wadanka engiriiska Mesul Ozil ayaa aduunkii ama lacagtii uu ka helay koobka aduunka ee lagu dhigay dalka Brazil ugu deeqay carruurta yar yar e muslimiinta ah ee k u dhaqan Gaza. Ozil ayaa ka mid ah mashiinada dhaqaajiyeya xulka qaranka ee Jarmalka isagoo ka midka ahaa ragii aadka u shaqeyey ahna nin lagu yaqaan in uu yahay kubad sameeyasha manta aduunka loogu jecel yahay ayaa lacagtii uu ka helay koobka aduunka ugu deeqay carruurta yar yare ee ku dhiban Gaza lacagtaas oo dhan 350 kun oo pound.

Isagoo mida uu aadka uga xumaaday ay ahayd markii uu arkay wiil yar oo carruur ah oo mayd ah oo la dilay oo xidhan garanka Ozil ayaa keentay in uu aad uga xumaado oo uu caawiyo iyadoo la wada og yahay dhibaatada iyo dagaalada ay ku hayso yuhuudu iyadoo maalin kasta u gaysata dilal aan caadi ahayn oo aan look ala eegayn ciroole iyo ciyaal toona

 

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

DIYAARIYE MAXAMED CALI MATAAN

 

Exit mobile version