WAJAALE NEWS

Mashariicadda Xanaanaynta Xoolaha ee Qol-Caday iyo Aroori,W/Q:Dr. Ahmed Mohamoud Adam.

Waxaa kaloo laga dhisayaa meelihii lagu dawaynayay,tallaalayay laguna shaybaadhayay, xoolaha deggan Bananka iyo hareerihiisa

Mashariicadda Xanaanaynta Xoolaha ee Qol-Caday iyo Aroori:waa Mushariic 2 Sano ah oo ay samaysay Wasaaradda Xannaanada Xooluhu, innagana caawiyeen Dawladaha Ingriiska, Norway iyo Dheenishku oo mucaawinadooda ku shuba  Sanduuqa la baxay Sanduuqa Horumaarinta Somaliland. Maamulka Mashruuca waxaa gacanta ku haya Shirkad la yidhaahdo BMB Mott MacDonald oo Dawladda Somaliland iyo deeq bixyayaashaba uga masuul ah inay fuliso Mashruucan. Waxaa looga soo saarayaa xoolaha deegaanka biyo joogta ah oo ceel riig ah oo la qodayo, caws iyo calaf ay xooluhu cunaan ayaa loo beerayaa dadka deggan Banka iyo Hareerihiisa, inta dooggu u soo baxayona waxay u guuri karaan dhinaca kale. Waxaa kaloo laga dhisayaa meelihii lagu dawaynayay,tallaalayay laguna shaybaadhayay, xoolaha deggan Bananka iyo hareerihiisa oo illaa hal milyan oo neef

ka faaiidaysan karaan dhinaca caafimaadka, Biyaha iyo baadkaba.

Ujeedooyinka Mashruuca

·         Inay Xoolaha deegaanku ka faaiidaystaan xilliyadda abaaruhu jiraan oo la furo xaruntaas.

·         Inay Xooluhu ka faadiidaystaan xiliyadda Biyo la,aantu jirto iyadoo ceel riig ah iyo dhaamam laga qodi doono

·         Inay xooluhu ka helaan adeeg caafimaad oo joogto ah sida daawaynta ,tallaalka iyo shaybaadhista xoolaha oon hore uga jirin dhammaan deegaanada soomaaliland.

·         Inuu shaqo abuur uu noqdo dhallinyarada deegaanka u dhalatay

·         In laga ilaaliyo deegaanka seerayaasha aan sharciga ahayn

·         Inuu Banku noqdo mid dadka ka dhexeeeya oo dan guud ah

·          In nabaad guurka laga ilaaliyo oo laga beero daaq joogto ah oo ku filan dhamaan xoolaha deegaanka

·         In lagu naaxiyo Xoolaha sayladaha loo iibgaynayo

·         Inuu tusaale u noqdo bananka kale ee xoolo naaximaha  ee Dalka ka jira

Ka faaiidaystayaasha kowaad ee mashruuca: Waa reer guuraaga deggan

Qol-Caday iyo hareerihiisa dhinackastay noqotoba

Ka faaiidaystayaasha labaad ee mashruuca: Waa dadka jaarka la ah Qoolcaday iyo Aroori iyo deegaamada hareeraheeda ah hadday dool deegaankan u yimaadaan.

Guddida Guud ee Mashruuca

·         Gudoomiyaha ka socda Wasaaradda Xanaanada Xoolaha

·         Afar xubnood oo matalaaye deegaanka Qol-Aaday iyo Aroori

·         Afar xubnd oo ka socda Dawladda hoose ee Salahley iyo Burao

·         Laba xubnood oo ganacsatada deegaanka u dhashay dhexe iyo kuwa hoose ah

·         Saddex agaasime waxeed oo wasaaradda xanaanada xoolaha ah (oo kormeeridoona habka loo dhisaayo mashruuca)

Maamul ka mashruuca

·         Mareeyaha Mashruuca

·         La taliyaha farsame ee Mashruuca

·         Maamulaha Mashruuuca

·         Ingineerka Mashruuca

Shaqaalaha Mashruuca Marku Dhamaado ka hawl gali doona

·         2 maamule  Aroori iyo Qool-Caday                                         

·         2 Sarkaal bulshada ka imanaya                                                  

·         2 sarkaal oo daaqa yaqaan                         

·         2 kuxigeeen                                         

·         2 Dhakhatar oo dawaynaya xoolaha

·         3 kalkaaliye                         

·         2xisaabiye                                   

·         2 Darawal                                    

·         2 riigga yaqaan               

·         2 biyo kaliye                          

·         2 koronto yaqaan                                  

·         50 shaqaale banka ka shaqaynaya (oo uu maamulayo ninka daaqyaqaanka ahi.)   

Tiro guud: 80 qof

 

Faaiidooyinka Mashruuca

·         Inay xooluhu ka faaiidaystaan xiliyadda abaarahu ka jiraan deegaanka

·         Inay xooluhu ka faaiidaystaan xiliyadda Biyo la,aantu Jirto lagana maarmo biyo dhaamiska

·         Inay xooluhu ka heelaan adeeg caafimaad oo joogto ah

·         In laga ilaaliya deegaanka seerayaasha sharci darada ah

·         Inay xoolaha lagu naaxiyo marka la doonayo in la iibgeeyo

·         In shaqo abuur u noqoto dadka deegaanka deegaanka Aroori iyo Qol-Aday

 

Waad mahadsan tihiin

 

Mareeyaha Mashruuca

W/Q:Dr. Ahmed Mohamoud Adam

Ahmed Mohamoud <dr.ahmedmadan@hotmail.com> 

Exit mobile version