Madaxweyne Siilaanyo, ayaa wuxuu sidan ku sheegay qoraal uu bishii hore ku qoray majalada The East African oo ka soo baxda dhawr wadan oo ka tirsan Bariga Afrika, “Waxaan rumaysanahay inaanu Midowga Afrika wakhti dheer dib u dhigan inuu Somaliland u aqoonsado qaran madaxbanaan iyo xubin buuxda oo uu ururka ka noqdo.” Ayuu ku yidhi madaxweynuhu qoraalkiisa, waxaanu intaas raaciyay inuu Madaxweynihii ka horeeyay Midowga Afrika hore uga codsaday inay aqoonsadaan Somaliland, markaas loo soo diray Somaliland wefti xaqiiqo raadis ah, “Maaha markii u horaysay ee uu wadankayagan curdinka ahi ka codsado
Midowga Afrika inuu qaado talaabadan muhiimka ah. Madaxweynihii iga horeeyay Daahir Rayaale Kaahin ayaa 2005 codsaday.” Isagoo sii wata hadalka, wuxuu yidhi “Natiijadii waxay noqotay in wefti ka socda Midowga Afrika loo soo diro, oo eegay waxa ay hoggaamiyayaashayada, iyo muwaadiniintaiyadu wada jir u dhiseen ilaa markii aanu xornimadayada la soo noqonay sanakdkii 1991. Waxay arkeen in horumarkayagu uu ka duwanaa taariikhda siyaasadeed ee Afrika, waxaanay codsadeen inuu Midowga Afrika helo qaab gaar ah oo uu ula macaamilo qadiyadan cajiibka ah.”
Wuxuu sheegay inay Somaliland ka dhaceen doorashooyin Dimuqraadi ah, iyadoo si nabadgelyo ah xilalka loola kala wareegay, “Xilka waxa lagu wareejiyaa si nabadgelyo ah iyo doorashooyiin dimumqraadi ah. Hay’adaha qaranku oo uu Booliska ka mid yahay iyo ciidamada qalabka sidaa way shaqaynayaan. Argagixisadu dhulkayaga hoy kuma laha, budhcad badeedna daa’ hadalkeed.” ayuu yidhi.
Wuxuu Axmed Silaanyo, qoraalkiisa ku tilmaamay inay Somaliland tabayso aqoonsiga, “ waxaanu weli nahay wadan faqiir ah, laakiin tacliin bilaash ah ayaanu u hirgelinay wiilasha iyo gabdhaha ardayda ah. Dhaqaalahayagu si-yar-si-yar ayuu u dhismayaa. Waxaanu leenahay wax weyn oo aanu ku faani karno. Laakiin aqoonsi la’aantu nagaga timid wadamayada Afrika iyo bulshada caalamka, waxay weli halis ku tahay horumarka iyo rajada horumarinta nolosha muwaadiniinta. Waxay nagu adkaysay inaanu la xidhiidhno ururada caalamiga ah ee caawimada oo aanu ka helno amaah aanu horumarka ku sii wadno. Waxa lanoo diiday miiska wada hadalka marka laga wada hadlayo mustaqbalka Geeska Afrika.”
Wuxuu sheegay, “23 sannadood ka dib oo uu shaqaynayo wadan xor ahi, waxa la joogaa wakhtigii la aqoonsan lahaa xaqiiqiada jirta.” Wuxuu sheegay Madaxweyne Siilaanyo inay Somaliland iyo Somaliya ka wada shaqeeyaan arrimo amni oo ay ka mid yihiin la dagaalanka argagixisada, kalluumaysiga sharci darada ah iyo dambiyada kale. “Waxaanu codsanaynaynaa in la aqbalo inaanu si buuxda uga mid noqoono bulshada Afrika, markaas waxaanu dhisi karnaa aasaaskii adkaa ee aanu gelinay inaanu horumar ka samayno qaaradda.”
Geeska.