Hargaysa(W.N):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Md Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Marti-qaad u fidiyey Dhawr iyo Soddon Xubnood oo reer Somaliland, kuwaasoo uu ku soo Casuumay inay kala soo qayb-galaan Xaflad Lagu Bixinayo Gabadh uu Dhalay oo Maalinta berri ah ka dhacay Caasimadda Dalka Djibouti ee Djibouti.
Gabadha uu dhalay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxa soo doonay Wasiirka Waxbarashada ee Xukuumaddiisa, waxaana lagu waddaa inay Munaasibada lagu bixinayo ay ka qayb-galaan 35 Xubnood oo reer Somaliland ah, kuwaasoo iskugu jira Siyaasiyiin, Ganacsato iyo Madax-dhaqmeed, waxaana si gaar ah loogu soo diray Diyaarad khaasa oo Subaxa saaka ah ka qaadi doonta Garoonka caalamiga ah ee Siyaasiyiinta lagu marti-qaaday ee diyaaradan loo soo diray waxa ka mid ah Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo maal-gashiga caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Siyaasiyiin, Xubno ka mida Golaha Xukuumadda ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, Salaadiin iyo Marti sharaf kale. Waxa iyaguna hore ugu sii sugnaa Djibouti oo lagu marti-qaaday Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda ahna Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Guddoomiyaha Xisbiga tallada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Afhayeenka Xisbiga WADDANI Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa. Sidoo kale waxa la sheegay in marti-qaad noocan oo kale ahi uu madaxweynaha Jabuuti u diray masuuliyiin ka tirsan Puntland, Soomaliya iyo dawlad deegaanka
|