WAJAALE NEWS

Madaxwayne Siilanyo Oo Magacaabay Gobol Ay Magaalo Madaxdiisu Tahay Taleex Oo Lagu Magacaabo Xaysimo

Hargeisa(wajaalenews)War-Saxaafadeed

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo Waxa Uu Digreeto Madaxweyne Oo Sumadeedu Tahay Jsl/M/Xerm/249-2613/072014 Ku Magacaabay Gobolka Xaysimo Magaalo Badaxdiisuna Tahay Taleex.

 

 

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                     Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad Ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay:                     Qodobka 10aad Ee Xeerka Gobollada Iyo Degmooyinka Oo Tilmaamaya Wax Ka Beddelidda Qaab-Dhismeedka Dalka;

 

Markuu Tixgeliyey:            Codsiyada Ka Yimid Madax-Dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada Iyo Odayaasha Deegaanada

 

Markuu Dhegeystay:         Soo Jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

 

Markuu Ku Qancay:           In Maamulada Loo Dhaweeyo Shacbiga Oo Hoos Loo Daadajiyo

 

Wuxuu Go’aansaday;

 

In Uu U Magacaabo Gobolka Xaysimo Oo Magaalo Madax U Tahay Taleex, Oo Ka Koobnaan Doona Degmada Sarmaanyo, Degmada Xalin, Degmada Carroolay Iyo Degmada God-Aalo.

 

Allaa Mahad Leh

 

Axmed  Saleebaan  Maxamed (Dhuxul)

Af-Hayeenka Madaxtooyada Jsl.

 

Wajaalenews.net

Hargeisa/office

c/raxman ccarab

Exit mobile version