WAJAALE NEWS

Kulanada Habar-Magaado: Muxu kaga Dawan yahay Habrahii kale…

Waa Hadal Hayn iyo Kulamo Beelaysan, Waa Arin siyaasadaysan, dano Beelo kala dan ahaa ay isu arkeen in ay isku dan yihiin oo waliba dhalasho la xigsanayo markaa abtirsiinta dib loo racay, Sidaa Halku dhiga Shiraarka laga dhigay abtirsiin taaso bari hore la ilaaway,ama see aan la helin Siyaasad kaga shaqaysiisa inkasto Dadku ay wada Dhasheen oo ay isku Dhig iyo dhaqan (Somaliland) yihiin. Haddana Waa nooc Beelaysan oo u bahan in aynu aad iyo aad uga fiirsano dhaxalkeeda mustaqbalka jilaasheena, haddiii se ay tahay Awr aynu raaranyno intaa dawlada Silaanyo meesha ka baxayso, waxay noqon doontaa Khiyaano nafaheena iyo dadkeena iyo dhalinteenba loo gaysto, Waa Awr kolaba magac loo bixiyo kulumada beelaysan ee marka la isugu yimado aan ahayn kan oo kaliyaa reer habeel waaynu dooranay see dan inooma hayaan ee waa in aynu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulna sidii aynu u ga tuurilahay meesha, Ku salaynta shirarkeen habkan noocaas ah waxay ina sii galinaysa ilkii aynu ku jirnay ee ayn hore ugu aasnayn, Aynu Taariikhda dib u raacno tan iyo Xiligii Jabhada markaad taxaanaheeda taariikheed dib u raacno, waxaan inoo soo baxaysa mid aan ka gadisanayn tan, Waa nooc ka mid ah Is xulafaysiga la iskana bahaysto haddba marka la saluugo Qaybta, Qorshaha, Qawanintaa, Ciida markaa talad gacanteedu ku jirta ee midida daabkeda haysaa, badanka tan oo kale waxay timada marka xukumada marka jirtaa loo arko in ay ka soo bixin xaqii iyo xuquuqdii dadkii u codeeyay oo ay ka abaal dhacaday ama ay iskaba ilawday amaba see loo karay mid cid kaliya isku koobtay sidaynu in badan oo siyaasadeena daala dhacada aynu ku aragno.

 

Is Xulufaysiga Beelaysani mahaa mid Ku Cusub dhagaheena see markasta waxaa loo dhagaysta sidii oo ay inagu cusub tahay, tahayna qorshe cusub oo Dawo iyo Manfac u leh, dadka laga dhaadhaciyay inay dulman yihiin Xaqoodiina La isaga dhigo in la soo dhiciyo, isma waydiino tan oo kale ma ina soo martay?, Maxaynu ka Faiidnay?, Yaaynu ugu danaynay? Yaa Dhibane u ahaaa?, Suaalaha iyo Qaar kale oo badan lama jecela haddiba la xasuusto in laga jawabo, Waxaan u badantahay in lagu yidha inagu kiciya aynu ku boobne se la yaab maleh oo xiligii la kala bixi lahaa bay soo gadhay shar ama khayr kaynu doono aynu ku sheegne waa taxanee taarikheed oo inay marno malahayga ila tahay in aan laga fursanayan oo soo noqon doonta sanado badan oo kale, Waa khasaree ayaanu aminsnahay in aynu ku Caano maalnay Sanado badan, Waa is xulufaysiyo aan loo meel dayin oo aynu hore u soo aragnay oo ka kaw tahay in ayn, Qiiro iyo laabla kac dadka lagu kiciyo, Waa sal fudeednimo aynan Hubsan meel ay ina gayn doonto, Se waxaa hubaal ah lana arkay in marka danta la gaadho cidii doonaysa ha ka faaide ay Habaro kale dhalidoonto Raadkeennan aynu si wacan ugu noqonoqon doono hadii alle nafta inoo daayo.

 

Markan sidaas u Hadlayo uma jeedo Kulamada socod, Uma jeedo kuwii ka horeyaya, Uma jeedo Ciid gaar ah oo danaheeda ka hadlaysa, Se waxaa ujeedadu tahay in aynu keeno Qorshayaal ka duwan kuwan oo ah kuwa hore aynu is ugu Dilnay, Ku kala dhimanay, qorshee inoo wada dan ah (Somaliland), qorshee inteen jilicsan aaan ka hilinayn ee u hiiliya, Qorshe aan u adeegin intaa Kursi, Manfac, Magac donaysa aan wadad u Xadhin, Qorshe Caafimadka inga Haqab tira, Qorshe Wadad aan Mashuuruc ku qaadan oo haqab la’aan u dhisa, Qorshe Wax ka badala Qaabdhismeed keen Dawladnimo, Qorshe wasir walba u dira Shaqdiisa ee anu dirin reerkiisa sidii u soo mustafayn lahaa, Qorshee wax ka badala dhalinta Tahiribaysa, Qorshee waxbadan oo asaasiyad noolosha bulshaden Qabilku dhishoday bara wax wada qabsiga, Qorshee aan in yar Magac ku raadine, Magac inoo wada sameeya.

 

Haddan dib ugu yar noqodo Cabashooyinka taagan ee kulumada beelaysan sababa, sababteeda waxaa leh Dawlada Dadkii Reero ku Dawanaysa, Dawlada wasirkeeda Reer ku Shaqo uga dhigta, Dawlada aan u meel dayin Hantida Umadu lahayd, Dawlada aan Danguud tiradaba ugu jirin, Dawlada aan Walalayn anay ahayn mabdaeedu ee Kala qaybintu u tahay Waxay ku faido, Cabashooyinka inagu soo noqonoqday taan Adan iyo Xawa, waxay ka timdi shirar Xulafaysi iyo Dawlada reeraysan oo ina dashaday. Iska wax u qabso iyo Dan guudna halka la dhigay oo ah yaan leegin, ee reer hebel iyag dawlad haystee yaanay cidn u joogjin iyo reer heebel baynu nahaye maxaa inoo dan ah, Haddii dani noocan tahay maxaa ula yaabna, una haraana inta shadhka reered ugu shaqo doontay dawald kale, dadkale oo aynu cadaalad daro ku tuhumanay. Maxaynu Dawladoo aynu ku tuhmaynay Cadalad daro u Ridnaa oo aynu u Doorana Dawlado iiyagii kaba liita Cadalad darada, Xisabtu miyanay xageen ahayn, Miyaanay u Muuqan inaago gar daran in aynu Gar isa siino.

Hadal iyo Dhamman anigoo soo dhowaynay wax wada qabsida iyo wallalaynta umada Somaliland dhammanteed, Waxaan ku soo gunaanadi lahaa Shirarka, Xulufaysiga, Isbahaysigu, yaanay inag noqon sidii islaantii Hayinkeedi u Kici wayay,ee tidhi…………..

 

Illahay sheekh Abaadirow, Markasay inanteedi tidhi Hooyo Sheekh Abaadir maxaynu isu nahay, Waxay ugu hal celisay, (Hooyo Awrkeen Hayin marku Hore u kici waayo Ayaan haleel Qasada, Ee habeena meel iskama soo Galno!!!!!!!!!!!!!!!!)…

Marka waxaan ku talin lahaa Waar dawladuhu markay inoo kici waayan Yayana Beelo Haleel Qabsane aynu Wado kale oo Manfacleh uga wareegno……

 

Wabilahi Tawfiiq

Abdiaziz A Dualeh/

Email: abdiazizdualeh@hotmail.com, abdiazizdualeh@gmail.com

Facebook: Abdiaziz A Dualeh

Skype: abdiaziz.dualeh

Tell: +252 63 4110066

Exit mobile version