WAJAALE NEWS

Hubaal Iyo Haatuf Maye,Halkee Baa Lagu Socdaa.

Salaantaas islaamka kadib waxan tu khaas ah u soo dirayaa warbaahinta madaxbanaan siiba, bahda hadhwanaagnews

Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim,Salaamu Calaykum Wa Raxmatulaahi Wa Barakatuhu

Salaantaas islaamka kadib waxan tu khaas ah u soo dirayaa warbaahinta madaxbanaan siiba,

bahda hadhwanaagnews. Tixdana waxay u gaar tahay warbaahinta madaxbanaan.

1-HUBAAL IYO HAATUF MAYE,HALKEE BAA LAGU SOCDAA,

HANAANKII WAR BAAHINEED,HOOGBAA U DANBEEYAYOO,

HOG DHEER BAA LAGU GUREE,MIYUU HADAL LAABANYAHAY.

2-HIGAADA AFKIYO MURTIDA,HAL ABUUR GABAY HEESIHII,

KUWII U HAMUUMI JIRAY,MARKAY HALIS TAAGAN TAHAY,

CADAALAD U HIILIN JIRAY,HADRAAWI MAXAA KU DHACAY?.

3-HADDAAN HOOY LAYSKA ODHAN,AFRIKAAN KUU HAAD HELAA,

HUBIYO CIIDAN HEEGANIYO,HEERYADA MAR HADDUU GASHADO,

HAREERNA MIYUU DAYAA,HORE IYO SARAE IYO GADAAL.

4-HUQIYO DULMI KAMA BAQAAN,IYAGAA ISLA HAGGAAGSANOO,

HUUBIYO DADKA KALE HAGGAAS,KA HOOSEEYAY MOODAYAAN,

HADDEER WAYNU LADANAHEE,HADALOO ODAYGANA HORTAGA.

5-HORRORKII BERIGIINA HELAY,HABKIISII INTAANAY NOQON,

HABEENKII LAYSLA BIXIN,ABWAANADU HAWDAKA GELIN,

HIIFKIYO HANJABAADA JARA,HAGAAJA

WIXII KHALDAMAY.

6-HADDII KALE KALA HULEEL,HORTIISU NINKASTABA BANAAN,

HUQ IYO EED BAA KA IMAN,HADHOW  LAGU KALA HAYAAN,

HORSEED LOOMA SII NOQDEE,HORAANTA BILAAYO QABO.

Ismai Abdillahi Handuleh

    Kampala/Uganda.

Exit mobile version