WAJAALE NEWS

Hal-beega Siyaasada Arimaha Didabada Somaliland; Qalinkii Garyaqaan Cabdale Dahir Adan

Wajaalenews ,.Hubanti weeyi in qaran leeyahay hadoodil guud oo uu ku maamulo dhamaan haawlaha ka dhex-socda gudihiisa iyo hawlaha kaga xidhan inta ka baxsan xayn-daabkiisa, taasina waa waxa loo yaqaan Siyaasad , haddaba waa maxay siyaasadi? Maxay se u kala qaybsantaa? Waa laba weydiimood oo gun dhig u ah qormaddan.

Hadaba siyaasadi waa hab-maamulka guud iyo gaara ahaaneed ee lagu dhaqo laguna dhawro danaha qaran leeyahay.

Hadaba hadii ay sidaas tahay waxan ka dhalanayaa waa in ay laba siyaasadood jiraan oo kala ah.

1-      Siyaasada gudaha

Tani waa mida gunta u ah ee ta kale ay ka unkamayso, waana hab-maamulka lagu dhaqaayo dhamaan hawlaha ka dhex socda gudaha qaranka, wax kasta oo ay tahay, waxan ugu mudan waxaa

@ dhisida xasilooni qaramaysan oo ah salka ay uu dabada saarayo qaranku.

@ jog taynta kobcinta dhaqaalaha qaranka oo ah biyaha uu ku baxaayo qaranku.

@ higsiyo iyo hiraalo uu lee yahay qaranku dhan kasta oo ka mida waaxyihiisu.

@ lugo uu ku talaabsado qaranku oo in dhexdiisa ay ka jirto habka qori isku dhiibku.

@ in hantida ugu badan ee qaranku gasho kobcinta garaadka bulshadiisa oo ah hantida dhabta ah ee ma guurtada ah ee uu leeyahay, gashana aqoonta caafimaadka iyo dhamaan kaabayaasha nolosha oo ay ugu mudan yihiin biyaha iyo wadooyinku.

Intaas oo la isku soo qabtay bay u taagantahay siyaasada arimaha guduhu ee kaliya maaha sida dad badani moodayan sugida nabad-galyada guud iyo diyaarinta ciidankii sugu lahaa, se waa ka qayb, oo ka mid se waxa taas ka wax tar badan in dadkaagu kula gartaan halka iyo hirka kuu muuqda ee aad haybsanyso, kana dhigto bulsho rumaysan in qarankani yahay waxa kaliya ee ay wax ku noqonayaan, iskuna xidho noloshiisa qofnimo iyo jiritaanka qaranka, si ay u timaado dhawrashada qaranku.

Taas baan u aqanaa siyaasada arimaha gudaha ee uma aqaano in sida indhoolaha la gabado marka ay dhirbaaxadu ku dhacdo, se waxa dhaba oo ah mid aan iman karina ah in qaranka Somaliland cid dhirbaaxi kartaa jirin taasna dhaaba iyo dhagaar baa ka taal, waana halka uu Abwaan Hadraawi kaga yidhi Maansadiisa JIITAMA.

Dhudhun kaa hor-jeedaa

Ku dhirbaaxi maayee

Dhumucdaadu yay

Hooy dharab rooka

Kugu jabin

Inann’taada dhaga culus

Dhidhiibso kula tali.

Taas baa dhaba oo dhudhun qarankeena xagtin yeeli karaa ma jiro, mana dhalan, cid kasta oo u soo holata in qaranka Somaliland waxa ay yeeshana balan iyo nidar Eebe weeyi in gacantiisa jirida aan u saarno.

Xayndaabka iyo xamilka qaranimo ee dhabarkeena saran weeyi, waana ka aan facyaasheena dambe aan uga tagayno, taasina waxa ay ku imanaysaa hadba sida aan ugu soo gurno xansaska iyo xaabada aan ku noolaynayno jiritaanka qarankeena, oo loo dhisay in uu noqdo geed ay wada hadhsadaan dhamaan bulshada ssomaliland, noqdana xidig ay soo haybsadaan dhamaan qaramadu.

2-      Siyaasada arimaha dibada

Hadaba marka ay timaado siyaasada arimaha dibada oo ah ta manta aan rabo in aan lab si xulan oo la bidhiiqiyay aan u soo madal dhigo, waayo waa waxa aan ku iib-gayn karno dhamaan wanaagyada ka dhasha siyaasada arimaha dibada, waxana aan raba in aan kala xulano labada dhudood ee ay leedahay siyaasada arimaha ddibadu kana dhigatay marin ay marto, iyadda oo aan mid sadeaad aan ku soo daraayo oo inoo gaara, waana kuwan

1-      La adeegashada hogaamiyayaasha qaramada .

Waa hab mudo badan soo jiran tan iyo bilawgii dhaqan qarameedku, waan mid manta jira oo leh hab kiisa iyo kala adeegashadiisa waxan calanka u sida habkan qaramada reeer galbeeda, waxan uu ku fadhiyaa in dantooda ay ka dhamaystaan hogaamiyayaasha qaramada oo aan dhag jalaq loo siin rabitaanada bulshooyinka, waxan habkan si cad ay ugu fuliyaan qaramada carabta iyo qaramada afrikanka, waxan taasi si cad u soo baxday markii kacdoobada bulsheed ee carabtu curtay, waxana sida cadceeda loo soo celiayay ragii bulshooyinki diideen, iyada oo la wada baal maray rabitaanka bulshooyinka.

Hadaba maxay habkan ku doorteen?

Habkani waa hab guracan oo ka dhigay qaramada lagu fuliyay in ay yihiin qaramo aan wax tix-galin iyo dhawrasho midna lahayn, waayo hogaamiyaha qaranku waxa uu si dhaba u dhufaanay raganimadii iyo doonistii dadkiisa waxana uu taas dhaafsaday in uu ku fadhiyo kursiga hogaaminta dadkiisa, kana raadsaday qaramada reer galbeedaka, oo uu u adeego, waxana ay dhaafsadeen bixinta dantaas qofnimo in ay qaataan dhamaan hantidii qaranku lahaa, waxan ay taas marka ay ka helaan mood iyo noolba u hurayaan in qofkaasi kalidii kula dhaashado hantida wadarta uu hogaamiyo, waxana ay garb iyo gaashaan bana u yihiin kalidii-noolahaas.

Maxaase keenay in ay habkan qaataan?

Waxa keenay qaadashada habkan dhawr arimood oo ay ugu mudan yihiin.

@ habkani waxa uu kobcinayaa dhaqaalahooda oo ay iska guranayaan dhamaan hantida qaramada ay ku fuliyeen habkan, waxan marag u ah qaramada carabta oo dhiigoodii iyo dheecaan koodiiba la nuugay, waxan kaliya ee la siiyaana uu yahay gubeerka.

@ habkani waxa uu u qarinayaa sirta iyo qorshayaasha lagu dhufaanayo bulshooyinka.

@ habkani waxan uu ka dhigayaa qaranka lagu fuliyo mid beer u ah cida ku fulisa, wax aka soo baxana lagu nooleeyo cid aan lahayn dhulkii laga soo jaray dheeftan.

Intaas oo dhan marka aad isku qabato, kuna darto waxa manta ka socda carabta waxa kuu soo baxaaya in aad u dhacdo dhucda habkan.

2-      La adeegashada bulshooyinka

Habkani waa ka waxtaar roon yahay habkaas qudhunka ah ee dulinimadu gun iyo baar u tahay, waxana ay guntiisu tahay in ka dhamaysashada danta lagu xidho rabitaanka bulshooyinka, se sida habkii hore aan lagu xidhin rabitaanka qofka hogaaminaaya qarankaas, waxana habkan calanka u sida qaranka turkiga, oo fulinta habkani si cad u soo baxday xiligii kaacdoonadda bulshooyinka carabta, waxan uu qaatay fulinta habkan, isaga oo ka eegay dhinacyadan.

@ habkani waxa ka dhalanaaya in bulshooyinki taageeraan cida la doonaysa rabitaankooda, taasna ugu dusiyo danihiisa oo ay ugu mudan tahay in uu saylado cusub uga dhigo alaabtiisa iyo wax soo saarkiisa, waana mid dano dhaqaale ku fadhiya, waayo cida dantaada sida waad uga jajaban tahay cida aan dantaada sidin, waxan fududaanaysa in ay jeebkaaga si fudud u baadhaan. Adiga oo aan dhaaddayn.

@ habkani waa hab ka halis badan dhanka dhaqaalaha marka laga eego, waayo habkaas hore waxa uu u badan yahay hab hantida qaraankaas ku jirta lagula baxaayo, laguna dhisaayo qaran kale, se habkani waa hab saylad lagaa dhiganaayo, se marka aad hoos u sii baadho waxa aaad ogaanaysaa in ay ku kulmayaan in dheeftaada lala baxo, waana danta ugu liidata, waxan ay ka baxssan tahay habka garashadu ogoshahay ee ah aan isku danaysano, oo gacantaada iyo tayda aan hadba mid aan barkano, waxan marag cad u ah turkiga 2002 markii hogaankan cusubi qabsaday waxa ay qaateen habkan waxan ay ahaayeen qaranka 26 ee adunka ugu dhaqaale badan, hadana waxa ay yihiin mudo 12 sano gudaheed ah qaranka 16aad ee dunida ugu dhaqaalaha badan, waxana tani marag cad u tahay in jeebabka bulshooyinkaas uu ku fuliyay uu baadhay,

FIIRO GAARA

Waxa ugu mudan ee kulmiyaa waa baadhasho la baadho bulshooyinka iyada oo laba jid loo maraayo, oo kala ah in laga baadho qaranka dhanka hogaamiyayaasha oo ah tan reer galbeedku calanka u sidaan, iyo tan kale oo ah in qaranka lag baadho dhanka bulshadiisa oo laga dhigto macaamiishii iibsanaysay wax soo saarka qarankaas, waxan calanka u sida habkan qaranka turkiga.

 

 

3-      Ii dhaaf aan kuu dhaafee

Habkani waa mid ku qotoma in dhamaan qaramadu isku wada danaystaan oo midiba kan kale waxa uu ku dhaamo u gubiyo, iyada oo aan la isku soo xad-gudbayn, waana hab salka ku haya Edab siyaasadeed kana oo aan ka duulayn sida labada hore dano dhaqaale.

Habkan maxan ku dooraty?

Mudo aad u dheer iyo baadhid garasho hufan oo laga xagasho-tiray dhamaan xanafaha siyaasadeed eek a taagan gayigan balaadhan ee kala diimaha iyo kala garaadka ah, waxan intaas dheer in aan u wada baahanahay hab kale oo aan la isku danaysanayn in aan helno una wada adeega dhamaan bulshooyinka dunida ku wada nool, iyada oo aan ka wada dharagsanahay in labadaas hab cid gaara u dhaamiyaan.

Waxa kale oo habkani si hufan ugu taagan yahay in dhamaan bulshooyinka adunku wadaagan aqoonta iyo kasmada iyada oo aan la ismilayn, dhaqanada bulshiiyinkana aan jirida loo siibayn si bulsho kaliyi dhaqankeedu u ahaado ka kaliya ee gayiga ka jira, ee waa in garashadu tahay wadaag, taas oo ah in bulshadu gar u leedahay dhawrashada dhaqankeeda iyo hidaheeda fir laga soo gaadhka ah, waxan taas barbar yaala in aan la jujuubin lana qasin rabitaankeeda, ah in ay afkeeda wax ku barato, kuna dhaadato.

Muxuuse u taagan yahay?

Waa dhab in hab kastaa u taagan yahay ilaalinta danta guud ee qaranka se kani waxa uu dheer yahay in iyada oo dantaas guud ee qaran kastaa leeyahay in hadana la dhawro danta qaranka kale leeyahay oo ah.

@ jiritaankiisa bulshanimo kaas oo xambaarssan in uu dhaqankiisa iyo aqoontiisa fir laga soo gaadhka ah uu dhawrto, laguna qasbin in uu ka tago kasmooyinkiisaas.

@ habkani waxa uu ku soo biirinayaa in edab lagu daro siyaasadda oo laha weecdo habka ay ku taagan yihiin labadaas ha boo ah dan seed si aan dantayda aan u gaadho.

Intaasi waa hababka ay qaramadu ku qotomiyaan siyaasadooda dibada ee hadii aan nahay qaranka Somaliland teenu maxay ku qoton taa?

Weydiintani waa ta aan halku dhiga uga dhigay qormadan, waxan ay qasab ku tahay in raga hogaanka ahay oo uu kaw ka yahay madaxweyne siilanyo ka war-celiyo, waxana uu kaga war-celinayaa isaga oo ka shidaal qaadanaaya habka aan qarankeena Somaliland aan wax u dhimayn, qaramada kalena dantooda ilaalinaaya, lagana wada shaqaynaayo wadaaga iyo wadarnimada labada qaran, iyo waxa danta u ah.

Taasi ku iman mayso erayo iyo hebelo lala kulmo ee waa hanaan gunta ka soo dhismaaya oo ku taagan weydiimahan, iyada oo dib loo qeexay Somaliland.

Hadaba dib u qeexida ssomaliland waxa ka dhalanaaya in dibu habayn dhaba lagu sameeyo, nolosha dhaqan dhaqaale ee bulshadeena iyada oo aan dhadhan keena somalilandnimo aan la tirayn, waayo waa waxa inoo gaarka ah ee aan kaga gadisan nahay bulsha weynta kale ee dunida, waxan taas soo raaca in dibu habayn dhaqaale oo dhaba lagu sameeyo dhaqaaleheena, waayo hantida aan haysanaaa ma yara, waxan marag u ah 15 gudahood ayaan kaga soo kabanay burbur dhaba oo gayigeena ku dhacay, waxan dhaba hadii aan taasba ka soo kabanay 15 ka sano ee soo socda ma gaadhi karnaa in aan noqono qaranka ugu hantida badan qaarada afrika?

Waa dhab oo laba qodob oo kaliya ayay u baahan tahay oo ah

1-      In aqoonta lagu xidho dhaqaalaha.

Habkani waa habka ugu fudud ee lagu gaadhi karo koboc dhaqaale mudada dhaw, waxan aqoonta lagu xidhayaa dhamaan kaabayaasha dhaqaalaha bulshadeena hadii ay tahay

@ xoolaha, oo hab aqooneed looga faaiideeyo, lana dhaqaaleeyo neefka, waxan aan halkaas ka soo xerayn karnaa hanti aad iyo laxaad u badan

@ halka aan ku naalo oo hantiya. Waxan aan marin u noqon karnaa in ka badan 150milyan oo aan haysan bad iyo marin biyood ay kula xidhiidhaan dunidda, waxan horteena mara dhaqaalaha adunka 50% oo mara gacanka saylaca ( gacanka cadmeed). Kaliyana waxa inaga xigaa waa aqoon aan ku iib-gayno hantidaas.

@ hantida intaas oo dhan ka wada mudani waa dadkeena oo ah bulshadda ugu firfircoon gayiga aan ku nool nahay, hadii ay tahay tayada aqooneed iyo garsho eek a guuxaysa, waxa dhaba in aad la yaabayso garaadka dhalinteeda iyo sida ay aragtiyaha cusub u soo saarayaan, iyo awooda ka dhex guuxaysa inta ay le’egtahay.

Qalinka iyo gacantaa daalaya hadii aan sii wad idhaa ee guntu waa aqoonta oo aan ku ladhno dhaqaalaha si ay u noqoto xansaskii iyo xaabadii shidi lahayd dabka hogaamineed ee aan shidnay, waxan hubaal ah in dabkaas iftiinkiisu uu wada gaadhi dunida dhamaanteed

2-      Rabitaan ( go’aan qaadasho dhaba)

Hadiiba aan goosanay in aan noqono qaran oo taas aan halgan dheer aaan u soo galnay, manta ma u gali karnaa in aan qarankeena ka dhigno mid u qalma in uu bulshooyinka hogaamiyo, dhan kasta oo ay noqoto, dhaqan, aqoon iyo dhaqaale, isla markaana aan ka galno gayiga halka aan ka mudanahy in aan ka galno.

Haa haa haa

Hadii ay tahay waa in aan yar iyo weyn u wada kacnaa Somaliland waa mudan tahay in lagu daydo, oo halku dhig inoo ah, inaga oo tukubinayna kana fogaanayna lab-la kac iyo sal-fudayd.

Doonisata Eebe waan gaadhaynaa halkaas

FIIRO GAARA

Waxa aan si gaara u sheegaya marka aan dhacdooyinkan aan furfuraayo, waxa aan ka duulaya laba rukun oo kala ah.

1-      Furfurida humaaga (picture analyse )

Waxan uu habkaasi ku qotomaa in aan wax kasta aad ku eegdo kuna furfurto humaaga maankaaga ku jira, waayo humaag maaha waxa lagu qoomiyo himilooyinka bulshooyinka ee waa dhalaan habaabis oo kale, se waxa taas ka gun dheer habkan kale

2-      Furfurida hab u socodaka dhacdooyinka (poroses analyse )

Habkani waa hab ka gun iyo qaad balaadhan habkaas oo ku qotoma habka furfurida dhacdooyinka iyada oo aan si humaagaysan aan loo eegayn ee loo dhuganaayo hab dhan kasta laga eegayo hab dhaca dhacdooyinka, laguna daraayo in laga soo dheegto wanaagyada kale ee bulshoyinku leeyihiin iyada oo si daba oo ka fog kor-ka xaadin laga dheeraanyo.

Habkani waa habka aan u maray furfurida iyo tuujinta qormadan, waana hab aan u adeegsado dhamaan dhacdoyinka oo dhan waan hab ku soo biyo shubanaayo garaadka iyo aqqoonta tuuji oo ka soo miir xogta ugu xulan uguna axanaf yare e qaran iyo bulsho lagu dhaqi karo, taas baan habkan aan ku doortay.

 

                   Qalinkii Garyaqaan Cabdale Dahir Adan

                                     Bartay Aqoontaka Xeerarka

                                              12/7/2014

Exit mobile version