WAJAALE NEWS

Hadaanu Nahay Taagerayasha North America ee Xisbiga Ucid Waxan Taagero Buuxda u Haynaa Xoghayaha Arimaha Dibada ee Xisbiga UCID YUUSUF BUDLE .

CANADA(WAJAALENEWS) ;Marka hore waxan salamayaa shabakadan Caalimaga ah ee dadwaynaha afka somaliga ku hadlaa kuso bandhigaan fikiradooda kala duwan iskuna waydaarsadan , hadaan u soo daadago dulucda hadalkayga ,

Qurbojooga North America oo ah taageerayasha ugu badan ee xisbiga ucid ka haysto wadamadan qurbaha oo shirar is dabajooga ah ka galay arinkan kazoo baxay Cali guray taas oo u dhignaa in xilkii laga qaaday xoghayaha arimaha dibada ee xisbiga ucid yuusuf budle .

Hadaba hadaanu nahay taagerayashi xisbiga ee north America waxan halkan ku cadaynaynaa in aan taagersanahay xoghayaha arimaha dibada ee xisbiga sababo badan awgeed , waxa is waydiin leh

Yuusuf Budle waa kuma ?

Yuusuf waa nin aqoonyahan ah kana mid ah dadka farakutirsiga ah ee ka mid ah qurbojooga rer Somaliland meel fiican ka gaadhay waxbasharada iyo xidhiiidhka caalimiga ah  Yuusuf wuxu madaxkayahay Haayad Maraykan ah oo qaabilsan ololaha arimaha siyaasiada ee wadanka USA lana idhaa MLA (Minority liberty Alliance ) taas oo ay adagtahay sida nin Somali ahi uga noqon karo madax waxad halkaa ka garankartaa kartidiiisa iyo aqoontiisa lagu xushay . yuusuf wuxu waxbarshadiisi heersare ku qaatay jamacada VRIGE UNIVERSITY oo kutaal xarunta midawga yurub oo uuu ku bartay cilmiga xidhiidhka caalimiga ah iyo siyaasada . yuusuf budle wuxu ka mid yahay ashkhaasta uu Maraykanku wax ka waydiiyo siyaasada wadanka Somalia isagoo marna ahaa la taliyaha arimaha siyaasada ee wasarada arimaha dibada wadanka maraykanka qaybteeda qaabilsan bariga Africa . ka sokor siyaada wuxuu president ka yahay haayad   la idhaa AMERILINK INTERNATIONAL oo kulmisa sharikadaha caysmiska ee wadankan maraykanka .

Waxad arki kartaa heerka aqooneed iyo wayo aragnimo ee yuusuf leeyahay iyo sababaha loogu doortay xilkan xoghaye nimada ee xisbiga ucid ,waxa hadaba iswaydiin leh yuusuf ma yahay nin u keeni kara xisbiga cod iyo taagerayaal ?

Yuusuf budle shakhsiyan waa nin rer Hargeisa ah kana soo jeeda magaalada ugu codka badan Somaliland ee xisbigyada qaranku ku kala baxaan doorashooyinka oo ah gobolka gabiley   wuxu taagero mugle ka haystaa gabi ahaan degaanada uu kazoo jeedo .

Maxaa ka dhawaajiyay cali gurey areygan ?

Kadib markuu arkay kartida iyo aqoonta uu leeyahay yuusuf wuxu cali ubaqay in kursigan uu ku fadhiyo ku haysto gudoomiyenimada 3aad ee xisbiga ucid , qodobka labaad ee uu u cuskaday cali hadalkan kazoo yeedhay waxa aan u aragnaa ay tahay iska dhis uu iska dhisayo madaxwayahaya jabuuti ismacil cumar geelo oo PASSPORT siiyay jabuutiyan ah cali gurey

 

 

Gabo gabo

Hadiiba aanu nahay taageraasha xisbiga ee north America waxan cali gurey leenahay xisbiga ha bur buring hadalada deel qaafka ee sumcada xisbiga wax u dhimaya ee kazoo yeedhayana yaanay noqon mid ururka saamayn xun ku yeesha maxaa yeelay waxa hada ka hore hadalo meel ka dhac kula kacday musharaxa kuxigeenka ee xisbiga imikana waxad ku dhawaaqday arin aan xisbiga intiisa kale kula qabin, waxan kusoo koobayaa hadalka yuusuf wuxu ka mid yahay baalasha uu ku duulo xisbigu dadkoodana taagero buuxda ka haysta, marka loo eego adiga .

Maxamed2030@live.com

Maxamed Yoonis

Gudoomiye kuxigeenka garabka dhalinyarta ee xisbiga UCID wadanka Canada .

Exit mobile version