WAJAALE NEWS

Diyaarad Rakaab Ahayd Oo Ku Dul Burburtay Dalka Ukraine Oo Ay Ku Dhinteen 295 Qof.

Hogaamiyaha Malaysia ayaa burburka diyaaradda Malaysia ee bariga Ukraine ku soo dhacday ku sheegay inay tahay arrin “si weyn looga naxo”.

Maraykanka iyo Ukraine ayaa sheegay in diyaaradda la soo riday.

Masuuliyiinta dalka Ukrainian ayaa sheegay in diyaaradda lagu soo riday bariga dalkaas, halkaasi oo ah goob ay kula dagaallamayaan kooxaha mucaaradka ah ee taagersan Ruushka.

Waxay sheegeen in dhammaan 295 qof oo saarnaa diyaaradda oo laga lahaa dalka Malaysia ay dhinteen.

Diyaaradda oo ka soo duushay magaalada Amsterdam waxay u socotay Ku’ala Lumpur.

Burburkii diyaaradda oo gubanaya ayaa la arkayay, waxaana qof dadka badbaadada ah uu sheegay in meydad badan halkaasi laga helay.

Madaxweynaha Ukraine, Petro Poroshenko, ayaa sheegay in diyaaradda ay soo rideen wax uu ugu yeeray

 

argagixiso, waxaana uu ku baaqay baaritaan caalami ah

Masuuliyiinta Ukraine ayaa eedeeyay kooxaha gooni u goosadka ah ee Ruushka taageersan, laakiin mucaaradku waa ay beeniyeen inay wax lug ah ku leeyihiin.

Waxayna sheegeen in ciidanka dowladda Ukraine ay ka dambeeyaan arrintaas.

 

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version