Maxamed Fouad Bin Sheikh Mullah Masum, waxa uu ku dhashay degmada Koya ee gobolka Kurdistan sanadkii 1938-kii, waxaanu waxbarashadiisi dugsiga ku soo qaatay dalka Ciraaq, ka dibna waxa u galay, jaamacada Azhar taas oo uu derajada digtoor ka diyaariyay culunta falsafada Islaamiga ah, (Islamic philosophy), sanadkii 1975-kii.
Maxamed Fouad Bin Sheikh, ayaa sida lagu sheegay taariikh nolaleedkiisa waxa uu shaqadii ugu horaysay ee uu qabtay ahayd, wariye-nimo, taas oo uu kaga hawl galay, idaacadii codka halgamayaasha Kurdistan ee Magaalada
Qaahira Sanadkii 1958-kii. Sanadkii 2005-tii ayaa markii ugu horaysay loo doortay mudane ka tirsan barlamaanka dalka Ciraaq, waxaanu ka soo baxay Magaalada Baqdad, xiligaas oo uu kaalinta kowaad u galay liiska musharaxiintii isbahaysiga axsaabta Kurdiyiinta ee caasimadda Baqdaad.
Hargaysa / Somaliland
Wajaale News
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane