Penghu, (Wajaale News):- Todoba iyo afartan qof ayaa ku dhintay, ugu yaraan ilaa sideed qofna waxa lagu guulaystay in iyagoo bad qaba la badbaadiyo, ka dib markii diyaarad laga leeyahay jasiirada Taiwan oo duulimaad gudaha dalkaasi ah ku jirtay ku burburtay meel u dhow madaar ay cilad farsamo awgeed ugu degaysay.
Diyaaradan oo ay lahayd shirkada diyaaradaha dalkaas ee Trans Asia Airways, ayaa la sheegay in sideed iyo konton qof saarnaayeen, ka dibna inta dabaylo ku kaceen ay doonaysay inay degto Madaar ku yaala jasiirada Makong, laakiin ay dhisme halkaas ku yaalay afka dartay sidaana ku burburtay.
Hargaysa Office
Wajaale News
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane