WAJAALE NEWS

Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Magaalada Burco Soo Gaadhsiiyey Kooxo Ka Tirsan Khaatumo Oo Weerar Kusoo Qaaday Ciidanka Qaranka Somaliland

Laascaanood(Wajaalenews)()koox shufta ah ayaa kolonyo ciidanka Qaranka Somaliland ah u gashay duleedka magaaladda Laascaanood gaar ahaan Deegaanka Waq-dariya oo toban kiiloomitir dhinaca Koonfur kaga beegan.

Wararka ka soo baxaya weerarka ay kooxdani Ciidanka ku qaaday ayaa sheegaya in ay ku Dileen askari, halka iyagana laga soo qabtay Sadex maxbuus oo midi dhaawac yahay.

Gaashaanle Maxamed Iimaan ayaa sheegay in saddexda Maxbuus la soo gaadhsiiyey magaaladda Burco, halkaas oo lagu xidhay.

Ma jiro war faahfaahsan oo weerarkan ka soo baxay, hase yeeshee waxay wararku sheegayaan Kolonyada Ciidanka Qaranka ee Jidka loo galay oo ahayd laba 

Gaashaanle Maxamed Iimaan oo ka waramay sida uu dagaalkaasi u dhacay ayaa yidhi “Waxa aanu deganahay Koonfurta Magaaladda Laascaanood, waxaanan deganahay laba meelood oo yara kala durugsan.

Hadaba xalay ayaanu ka tagnay oo waxa aanu ku soconay  xero kale ayaanu ku soconay, dabadeedna waxoogaa yar oo ciidan ah oo ah kuwa nabad diidka ah, ayaa jid goyn noo yara galay, halkaas bay dabadeedna shaqaaqadu ka yara dhacday, labadayada dhinacna waxyeeladu may badnayn, Laakiin waa niman budhcadaynayoo meeshii waanu ka saarnay, ” Ayuu yidhi.

Mar la waydiiy ay bal xaalada ay ku sugan yihiin ciidamada qaranka Somaliland ee jiida hore waxa uu yidhi “Xaalada ay ku sugan yihiin ciidamada qaranku waa mid iska wanaagsan, mana jirto iminka wax dhibaato ah haysataa, aad iyo aadna way u fiican yihiin, waana niman dalkooda iyo dadkoodaba difaacaya” ayuu yidhi.

Exit mobile version