hargeisa(wajaalenews)Wararka hada aan helayno ayaa sheegaya in xukuumadda silanyo xabsiga u taxaabtay markale Gudoomiyaha Wargeyska xayiran ee Haatuf Yusuf Cabdi Gaboobe.
Yusuf Cabdi Gaboobe ayaa dhawaan la soo daayey ka dib markii uu mudo xidhnaa,xadhigiisaasi oo ku lug lahaa dacwadii lagu xayiray warkaasii uu madaxda ka ahaa,ilaa iyo hada lama oga waxa uu ku salaysan yahay xadhiga Gudoomiyaha balse waxa ay la xidhiidhaa sida loo badinayo wararkii iyo markii horeba lagu xidhay wargeyska oo uu wali faafinyo barta mareegta intetnetka uu ku leeyahay wargeyskiisu,kaasi oo ay xukuumaddu u taag iyo maaro wayday
wajaalenews.net
hargeisa/office
c/raxman carab daud