WAJAALE NEWS

Xildhibaano Ka Tirsan G.Wakiilada Lagana Soo Doortay G, Gabiley Oo Xukuumada U Soo Jeediyay IN Ay FaraGalinta Ka Dayso Golaha D, Gabiley;

HARGEISA(Wajaalenews) Laba Mudane oo  ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa xukuumada kula taliyay in faragalinta laga daayo maamulka Dawlada Hoose ee Gabiley.

Haddaba laba mudane oo ka tirsan xildhibaanada  reer Gabiley ayaa baaq ay maanta ka soo saaren Arrimaha ka socda Golaha Deegaanka Gabiley oo mudaba uu soo kala dhex galay khilaaf xoogan, kaas oo dabada ku hayey aqlabiyada Golaha Deegaan oo soo jeediyay in ay badeli doonaan  Gudoomiyaha iyo ku-xigeenkisa kalsoonidiina kala noqdeen.

 

 

 

 

Xildhibaanadan oo kala ah Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan iyo Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe oo labaduba ka mid ah Xisbiga KULMIYE ee haya talladda dalka.

waxaanu baaqu u dhignaa sidan;

Anagoo ah mudanayaasha laga soo doortay Gobolka Gabiley, isla markaana wakiil ka ah bulshada reer Gabiley, waxaanu xukuumada iyo cidkasta oo faraha kula jirta arrimaha Golaha Deegaanka Gabiley, Waxaanu ugu baaqaynaa inay faraha kala baxaan, una daayaan Xildhibaanada shaqadooda, taas oo uu u dammaanad qaadayo dastuurka qaranka in ay shaqadooda gutaan waxna doortaan waxna badali karaan.

Waxaanu leenahay Gabiley intii la hagardaamanayay waala hagardaameeyay waxayna xubno xukuumada ku jiraa u horseedeen dib u dhac dhammaan qaybaha maamul ee ka jira Gobolka Gabiley.

Waxaanu cod dheer ku sheegaynaa waa in masuliyiinta  ku mammay cashuurta dadwaynuhu joojiyaan awooda dawalada dhexe ee ay sida qaldan u isticmaalayaan

Waxa kale oo anuu wasiirka arimaha gudaha leenahay waa in aad u hogaansantaa doonista aqlabiyada golaha adoo raacaya sharciga dalka ,shaqadaadana maaha in aad cidkale talo ka sugto waxkasta oo kaymaadana aday ku dulyaalaan waayo waa shaqadadii

Waxaanu u soo jeedinaynaa in aad sharciga dhawrto fulisana balamaha ku horyaala; ayay hadalkodii kaga baxaan,,

Moranka golaha deegaanka gobolka gabiley ayaa mudo soo jiitamaya kaas oo soo maray heerar kala duwan ,hadana maraya halkii ugu saraysay

Madaxwayne siilaanyo ayaa lafilayaa in uu mar labaad isasoo sharaxo taas ay usaamixi karto inuu marlabaad soonaqdo hadba sida uu u kasbado shacbiga somaliland gaar ahaan reer gabiley oo ka mid ahaa goboladii suurta galiyay in madaxwayne siilaanyo kursiga dalka ugu sareeya ku fadhiisto

Hadase waxa ka muuqata in gabi ahaanba xukuumada siilaanyo ka gaabisay rabi taanka reer gabiley

tana waxay ka mid noqontoontaa mid ay reer gabiley siilaanyo ku qiimeeyaan hadba sida uu ka yeelo’

 

HARGEISA WAJAALENEWS

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version