WAJAALE NEWS

Xidhashada kabaha cidhibta gaaban oo laga digay iyo saamaynta ay ku leeyihiin dhabar-xannuunka

WAJAALENEWS ;Khuburo ku takhasustay dhinaca caafimaadka jidhka, ayaa ka digay isticmaalka ama xidhashada kabaha cidhibtooda dambe ay ka hoosayso heerka jooga suulka, sidaasna waxa lagu caddeeyey daraasad dhawaan la sameeyey.

Kooxahan caafimaadka ah, ayaa daraasad ay dhawaan soo saareen ku sheegay dhibaatadda caafimaad ee ka iman karta isticmaalka kabaha aan lahayn cidhibta dambe ama ay ka hoosayso marka loo eego qaybta hore ee lugta, waxaanay sidoo kale daraasadan ku shaaciyeen in ay dhibaato caafimaad u horseedi karto qofka isticmaalka qaabka kabaha noocaas oo kale ah, taasoo ay ka mid tahay dhaawac ku yimaad muruqyadda, isgoysyadda cagta iyo iyadoo xataa keeni karta dhabar xannuun.

Sidoo kale, daraasada ayaa xustay in kabaha qaabkoodu gaaban yahay dhinaca dambe ay qofka ku keeni karto degaansho la’aan iyo in muruqyadda kalxanta iyo luguhu ay si adag u shaqeeyaan, halka marka loo eego kabaha qaabkoodu siman yahay ay caawiyaan cagta iyo in lugta inteeda hoose ay u dhaqaaqo sidii dabiiciga ahayd ee loo sameeyey.

Dhinaca kale, machadka daraasaadka ee Macdonald, ayaa ka digay haweenka kala badela ama kolba mar isticmaala kabaha cidhibta dhaadheer iyo kuwa gaagaaban, taasoo ku keeni karta xannuuno farabadan oo uu ka mid yahay misgaha oo ay ka cabato, laf-dhabarta iyo iyadoo dhibaato kala kulanta dhalmadda.

Ugu dambeyn, khuburaddan caafimaadka ayaa ku talliyey in la isticmaalo kabo joogoodu aanu ka sarreyn qiyaasta 1 ½ inch, taasoo ay ku sheegeen inay yihiin kabaha ugu haboon ee u fiican caafimadka qofka, iyagoo sidoo kalena xusay in qofku iibsado kabo qaalli ah oo qiimahoodu gaadhayo ilaa 150 gini, balse waxay ku tilmaameen in qofku iibsaday waxyeello ama shay aan u fiicanayn caafimaadkiisa

KALA SOCO  WARAR , SUGAAN IYO WALIBA KUWA XAGA CAAFIMAADKA KAHADLAYA

 

Exit mobile version