WAJAALE NEWS

Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland Oo SI Rasmi AH U Xaqiijisay Sobobta Loo Xidhay Xuduuda IToobiya

Nuxurka kulan dhexmaray Wasiirrada Arrimaha Dibadda Somaliland iyo Itoobiya + arrimaha laga wadahadlay

Addis Ababa (Wajaalenews)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si rasmi ah markii u horraysay u xaqiijisay sababah loo xidhay xuduudka u dhexeeya dalka Itoobiya.

Warsaxaafadeed uu soo saaray shalay Afhayeenka Wasaaradda Khaarajiga Mr. Siciid Cali Muuse, kulan magaalada Addis Ababa ku dhexmaray wasiirrada Arrimaha Dibadda Somaliland iyo Itoobiya, ayaa lagu sheegay in sababo dhinaca ammaanka  iyo adkaynta nabadgelyadda ah loo xidhay xadka labada dal u dhexeeya.Wasiirrada-Arrimaha-Dibadda-ee-dalalka-Somaliland-iyo-Itoobiya

Waxa labada wasiir ka wadahadleen arrimo khuseeya xidhiidhka labada dal, gaar ahaan xoojinta nabadda, gaar ahaan ammaanka xuduudda labada dal. Xuduudda Somaliland iyo Itoobiya ayaa hadda u xidhan arrimo xagga nabadgelyada ah iyo sidii argagixisada loola dagaallami lahaa iyo ammaanka gobolkaba. Waxa jira iskaashi adkaynta nabadda ah oo ka dhexeeya waddamada Somaliland la jaarka ah, sida Itoobiya iyo Jabuuti,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

Warku waxa uu intaa ku daray, in Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis iyo dhiggiisa Itoobiya Atto Tedros Adhanom Ghebreyesus kulankaas kaga wadahadleen sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka iskaashi ee u dhexeeya iyo shir bisha July ee sannadkan labada dal dhexmari doona.

“Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ethiopia Atto Tedros Adhanom Ghebreyesus iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa maanta (shalay) kulan ku yeeshay caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa, kaasoo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Addis Ababa, iyadoo  si weyn loogu soo dhoweeyey Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland.

Arrimaha kale ee labada wasiir ka wadahadleen wax ka mid ah shirka soo socda oo ay labada waddan wada yeelanayaan bisha soo socta bilowgeeda, kana dhacaya magaalada Dirri Dhaba ee Itoobiya, kaasoo lagaga wadahadlayo qoddobbo ka mid yihiin ganacsiga iyo nabadgelyada, shirkaasoo ay ku kulmayaan guddiyo xagga farsamada ah,” ayuu yidhi Afhayeenku.

Xisbiyada mucaaridka, ayaa hore uga dalbaday xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo in bulshadda loo caddeeyo sababaha keenay in la xidho xuduudaha Somaliland la wadaagto dalalka Itoobiya iyo Jabuuti, iyadoo dad badan oo muwaaddiniin ah dhibaato kala kulmaan isu socodka iyo safarrada kala duwan ee ay ku tagaan waddamada dariska

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version