WAJAALE NEWS

War Deg Deg Ah: Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Oo U Tanaasulay Madaxwayne Axmed Siilaanyo, Iyo Kulan Ay Caawa Yeeshen.

HARGEISA(Wajaalenews) ;Guddoomiyaha Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmiya uga Tanaasulay Musharaxnimadii Madaxwaynenimo ee uu dhawaan shaaciyey, waxaanu u tanaasulay isla-markaana uu uga hadhay Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)

Sida lagu sheegay War-saxaafadeed ay soo saareen ganacsatada waaweyn ee Beesha Sacad Muuse, Guddoomiyaha KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, ayaa Madaxwayne Siilaanyo uga tanaasulay musharaxnimada Madaxwaynaha ee shanta sanadood ee socota, ka dib kulan caawa  ka dhacay qasriga Madaxtooyada Somaliland, kaasi oo ay ganacsatadu isugu geeyeen Madaxwaynaha iyo Guddoomiyaha KULMIYE isla-markaana ku wada heshiiyeen.

War-saxaafadeedkan oo ay ku saxeexnaayeen ganacsatada kala ah, Maxamed Aw Siciid Geeddi, Jaamac Oomaar, Rashiid Ibraahim Ciise iyo Maxamed Xuseen Axmed, ayaa sidoo kale lagu sheegay in markii heshiiskaasi dhacay ay Madaxwaynaha iyo Muuse Biixi ay is gacan qaadeen.

War-saxaafadeedkaasi oo dhamaystiranna waxa uu u dhignaa sidan “Khilaafkii KULMIYE Ee baryahanba soo jiitamayey, waxa si xilkasnimo ah u soo afjaray ganacsatada waaweyn ee beesha Sacad Muuse, waxayna soo saareen qodobbadan.

 

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Md. Muuse Biixi Cabdi, wuxuu jagada Musharaxnimada shanta sano soo socota uga tanaasulay Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) taasoo si niyad sami la isugu afgartay, kuna dhamaatay inay is gacan qaadaan Madaxwaynaha iyo Guddoomiyaha KULMIYE, Ka dib kulan dhex maray Caawa (Xalay)

 

Magacyada Ganacsatada Beesha Sacad Muuse.

 

Maxamed Aw Siciid Geeddi.

Jaamac Oomar.

Rashiid Ibraahim Ciise.

Maxamed Xuseen Axmed.

Exit mobile version