WAJAALE NEWS

SHEEKOBA SHEEKAY KEENTAAYE.;;;

Macalin ka mid ah macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada sarsare ee ku yaala caasimada Hargaysa ayaa doonay inuu tacliintiisa, oo markii hore ahayd dugsi sare, sii korodhsado. Macalinka ayaa go,aansaday inuu ku biiro mid ka mid jaamacadaha gaarka loo leeyahay ee ku yaala magaalada Hargeisa ee caasimada dalka Somaliland.

Macalinkii wuu ku biiray jaamacadii, maalintii ugu horaysay ee uu tagay ayuu fasalka uu dhiganayay ku dhex arkay arday uu ku ogaa inuu dhigto fasalka labaad ee dugsiga uu macalinka ka yahay. Macalinkii ayaa hoos isku waydiiya malaha ardaygani kii maaha ee way isku egyihiin. Muranbaa ka galay maalintii hore oo wuxuu is waydiinayay habeenimadii oo dhan intii uu hurdada sugayay. Maalintii labaad ayaa la iskugu yimid jaamacadii, markii ay xiisadii dhamaatay ayuu macalinkii wax u dhigayay u qaybqaybiyay koox koox si ay ugasoo shaqeeyaan hawl guri. Ardaygii iyo macalinkii ayaa nasiib wanaag isku koox noqday. Macalinka oo ilaa markaasi shakisan ayuu ardaygii kaga horeeyay oo ku yidhi “Macalin maad yaaban tahay!!! waa iska caadi oo galinka danbana halkanaan ka tuurtaa, galinka horena iskuulkii oo waxaaban doonayaa inaan mar wada dhameeyo maadaama jaamacadahan saddex sanadood lagu dhameeyo.”!!!!

Macalinkii oo yaaban ayaa ka baxay fasalkii, maalintiibaana ugu danbaysay jaamacadii. Arintani waxay ku tusaysaa inaan xukuumadu waxba kala socon shuruudaha lagu xidho ardayda dhamaysatay dugsiyada sare ee galaysa jaamacadaha iyo ka warhayn la,aanta heerka ay marayso tayada waxbarashada heerka jaamacadeed ee dalku

Exit mobile version