WAJAALE NEWS

Faaleyn iyo Falanqeyn kooban “Waxqabadka xukumada120 kii maalmood ee la soo dhaafay”!

Dawladnimadu waa shaqo la qabto ee maaha hadaaq iyo hadal meel lala fadhiisto, ujeedada 1-aad ee dawladnimadu waa in la abuuro Cadaalad, Sinaan, kobcinta maamul wanaaga si kor loogu qaado  adeegyada ass-aasiga ah ee bulshada u baahan tahay. Dawladnimadu  waa Masuuliyad, Masuuliyaduna waa ilaalinta hantida guurtada iyo maguurtada ah ee ummadda baahan, Dawladnumadu waa dal iyo dad dhis (Nation building). Dawladnimada  waxaa loo sameystaa si bulshada kala duwani ay u hesho waxwada lahaansho iyo wada noolaansho loo siman yahay midhaha dawladnimo. Hadaba aynu  faaleyn kooban ku sameyno waxqabadkii Xukuumada cusub ee 4 tii bilood ee la soo dhaafay?

Waxqabadkii xukuumada ee 120-ka maalmood lagu soo bandhigay Majalaha Hilaadshe  ayaa ahaa Geed Sare waab ku koobnaa dhinacyada Siyaasadda, Humrumarinta, Kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeega bulshada ku waas oo qirey  in waxqabad muhiima la gaadhay mudadaa kooban. Hadaba bal anynu toojka ugu yara ifino shacab weynaha meelaha ay xukuumadu ka gaabisay.

1-Siyaasadda Arimaha debeda ee Somaliland way ka ” ilduuftay Ahmiyada Marsada Berbera”.

Somaliland kama ay Faa’ideysan istiraajiyada ay leedahay Marsada Berbera oo dhacda marinka Aduunka ugu muhiimsan ee ganacsiga aduunka badankiisu maro, marinkaas oo uu maro shidaalka aduunka ugu badani ayaa loolan Siyaasadeed dawladaha waaweyni isku hirdiyayeen waayadan danbe. Siyaasadda Arimaha Debeda ee Somaliland waxay ku hafatay Xafiiltanka yar ee udhaxeeya dawladaha carabta.Taasna waxaa cadeyn u ah Dawlada imaaraatiga iyo itoobiya oo yeeshay sheerka ugu badan ee Dekeda Berbera 70%, Waxay labadan dawladood ay ka leeyihiin marinka cadmeed iyo Dekeda Berbera dano cad cad oo  ujeedooyin fog fog leh, halka Somaliland ay aragtideedii iyo odoroskeediiba ku soo ururisay mashruuc iyo xaqul qalin yar oo faro guudkood ah.

ilaa 100-kii sanadood ee la soo dhaafay Siyaasadda arimaha debedda ee Itoobiya waxaa ugu horeysay in Itoobiya yeelato Marin-Badeed ay wax ku yeelato oo rasmi u ah, waxaana arintaa u fududeeyey Itoobiya Xukuumadihii kala  danbeeyey ee Kulmiye halka uu ka diiday madaxweynaha Jabuuti in ay Itoobiya dekedooda wax ku yeelato. Waxaa lawada ogyahay in Itoobiya tahay melateri ahaan quwada 3-aad ee Africa iyo quwada 43-aad ee Aduunka taa soo hadii damac ka galo in ay lawareegto Dekeda Berbera aan biyo yar  u kabaneyn.

2-Shirkada Somaliland investment Company, Waxaay shacabku u arkaa (Account )aduun lagu lunsanayo.

120 kii maalmood ee la soo dhaafay waxay Xukuumada kulmiye sife bilaa sharci ah u sameysay Shirkada Somaliland investment Company taas oo aan ilaa iyo hada shacabka loo cadeyn ujeedada shirkada loo sameeyey oo aan ka aheyn waxay saacidi doontaa maalgashadayaasha ajaanibka ah.Sideedaba madaxweynuhu marka uu Hayad ama shirkad dawladeed abuuraayo gudi buu u saaraa ka dibna digreeto madaxweyne ayuu ku soo saaraa taasina may dhicin! Waxay aheyd in shirkadan curinteeda iyo caleemo saarkeeduba ay ka timaado Wasaaradda Maaliyada oo ay wasaaraddu abuurto siyaasadda guud ee shirkada iyo xeer nidaamkii shirkada “ Article of Association ” lagu maamuli lahaa laguna dhaqi lahaa kadibna golaha wasiiraddu naaqishaan oo xeer nidaamkeeda ansixiyaan, ka dinba Baarlamaanka loo gudbiyo oo sidaa lagu ansixiyo si ay shirkadu u hesho ruqsad ama Liisan Qaanuuni ah ” Judical Personality ” taasina may dhicin. Sidaa daraadeed waxaa dhici karta in shirkadaa si qarsoodi ah dalka loogu metalo oo shirkadaha shidaalka sahamiya  iyo kuwa kaluunka xaalufiya lagula shuraakoobo oo lacago badan lagu amaahdo oo ay noqoto Xisaab-socod ( Account) qarsoon oo dalka debediisa ka furan oo malaayiin doolar lagu leexsado waana arin khatarteeda leh hadii ay taasi dhacdo

3– Maxay Xukuumadu ka qabatay Sicir bararka xadhkihii goostay ” Walee Goolkaana may dhalin” !!

Sicir bararku waa Aafo qaran !  Waxay aheyd in xukuumadu gudida ku darto aqoonyahanada ehelka u ah xakameynta sicir bararka.Waxay aheyn in xukuumadu cabirto xawaaraha uu ku socdo sicir bararku kadina hakiso. Waxay aheyd in ay u sameyso Hayad u gaar ah sicir bararka inta Central Banku awoodiisa oo buuxda uu la soo noqonaayo. Waxay aheyd in xukuumadu dhinto cashuurta Raashinka iyo dhamaan cuntada la quuto halka ay kor u sii kicisay. maadaama ilaa iyo hada lacagta doolarka ah ee dalka ka baxaysaa ay ka badan tahay lacagata doolarka ee dalka soo gelaysa sicir bararku waa ” ina daanweyne xukuumaduna waa gudiyo badan aan waxba soo kordhineyn” waana ay ku fashilantay maareyntii sicir bararka xadhkaha goostay.

4- Hirgelinta hanaanka Shaqo abuurka dhalinyarada.

Dawladnimdu waa shaqo abuur- hadii qofka madaxda ahi uu waxba soo kordhin waayo oo  shaqo abuuri waayo wuxuu la mid noqonayaa uun gafane isagu is naaxiya. Waxay abuurto iska daayoo – 120 kii maalmood ee la soo dhaafay waxay xukuumada cusbi shaqooyinkii ka caydhisay 230 shaqaale oo dhalinyaro ah ku waas oo ka howlgeli jiray madaarka Hargeisa iyo Madaxtooyada. ilaa iyo 8-dii sanadood ee xukumadaha kulmiye ay dalka hogaanka u hayeen waxay carabka ummadda ugu celceliyeen oo ku canqarinayeen shaqo abuur been ah iyo Shaqo qaran oo lagu howlgelindoono dhalinyarada dugsiyada sare ee dalka ka baxday, waxaa kale oo xukuumadani ka dhawaajisay in ay sameysay sanduuqa horumarinta dhalinyarada kaa soo aan ilaa hada laga fulin wax mashruuc ah.

5- La dagaalanka musuq maasuqa iyo maal urursiga .

Waxaa shacabku is weydiinayaa horta musuq maasuqa xagee lagula dagaalamaa ?  Yaase la dagaalama? si xukuumada cusub loo aamino waxay aheyd in ay ummadda u soo bandhigto shaqsiyaadkii leexsaday ee ku tagri falay $152 Million doolar ee lagu lunsaday mashruucii biyo balaadhinta ee Xubno weyne ee lagu hungoobay. Ilaa hada Xukuumada cusubi lamay iman Siyaasad Maaliyadeed oo lagu xakameeyo Musuq-maasuqa xadhkaha goostay taas oo la rabay in ay fulinteedu ka timaado dowlada dhexe ilaa dawladaha hoose.Boowe! ileyn meeli inooma fayoobee bal aynu isha ku hayno in ay hirgalaan oo ina waraabiyaan labada mashruuc ee biyaha Geed-deeble iyo Horihaatley laga wado oo ay ku baxayso iyagana lacag dhan $79 million doolar.

6 – Did u soo celinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha si looga rumeeyo dhiiri gelinta shaqo abuurka.

Xukuumada cusubi si ay u kobciso shaqo abuurka dhalinyarada shaqo la’aantu ragaadisay waxay ku fashilantay inay dib uhabeyn buuxda ku sameyso ama gacanta dawlada ku soo celiso dhamaan ilihii dhaqaalaha iyo kaabeyaashii dhaqaalaha ee dalka. sida adeegyada badeecadaha ka soo dega Gegida dayaaradaha Cigaal international Airport, bixinta lambarada Gaadiidka, Bixinta wado marista Gaadiidka, Sheybaadhka Haamaha shidaalka,  Bixinta Liisamada Gaadiidka, Bixinta Buugaagta la haanshaha Gaadiidka, Buuxinta foomamka kastamka (costum entry forms) iyo Qandaraasyada Daabacaada manaahijta buugaagta dugsiyada dawlada. dhamaan ilihii dhaqaalaha ee dalka ee wax ka tari lahaa korodhka dhaqaalaha dalka, kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dhalinyarada ayaan ilaa hada la garaneyn habkii loo bixiyey, cashuur dawlada inta uga soo xaroota iyo mudooyinka shirkadahaa kootada loogu xidhay qandaraasyadaa maquunada loo siiyey.

7- Taabo gelinta Xukun- wanaaga iyo maareynta hawlaha qaranka. ( Good Governance )

Tisqaadkii  maamul wanaaga iyo maareynta qaranka oo weli hagaas ah, maadaama aanu jirin hab-nidaam  ama system dhameystiran oo ka kooban unugyo habaysan oo maareeya, odorosa, aloosa, xukuma,ilaaliya, oo xadeeya hawl-maalmeedka qaranka, habkaas oo ay ka dhaxeyso dhamaan hayadihiisa kala duwan wada shaqeyn taam ah  oo ku saleysan isla xisaabtan, daahfurnaan,isxisaabin iyo xalibnaan joogto ah. Hadii aan la sameyn habkan casriga ah ee wada shaqeyneed iyo nidaam maamul oo maaliyadeed waxaa adkaanaysa in ay wada shaqeeyaan oo isla jaan qaadaan Qorshe Howleedyadii Higsiga Qaranka  National Development Plan 2– (2017-2021 ) iyo Mashaariicda Dawladaha Hoose ee maamul daadeginta GPLG  ( Joint programme ).

Gunaanad : Waxaa waxgaradka Fo’gaan araga ahi isku wada raaceen in aanay Xukuumada cusubi qaban waxqabad muuqda oo la taaban karo mudadii yareyd ee ay xilka haysay oo gaadhaysa ilaa 4-tii  bilood ee la soo dhaafay..

La soco qaybaha danbe ————– !!!

Alleh ayaa Mahad iyo mudnaanba leh,

Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)

Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,

Qalinkii :A/rahman fidhinle

Qoraa Madax banaan

Intensive ED BD BA

United Kingdom

London

Exit mobile version