WAJAALE NEWS

Qabanqaabada Soo Dhaweynta Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID Oo Hargeysa Siwayn Looga Dareemayo

Sidoo kale socdaalkaasi ayaa waxa uu Somaliland u dhaliyay in codsi ku saabsan sidii waxbarasho sare loo siin lahaa dhakhaatiir ka socota Somaliland
Hargeysa (Wajaalenews) – Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Md. Jamaal Cali Xuseen ayaa la filayaa hadii alle idmo in uu maalinta Berri ah ka soo dego Garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Hargeysa.

Jamaal Cali Xuseen oo muddooyinkii u dambeeyay safar shaqo ugu maqnaa qaar ka mid ah Dalalka Dibada ayaa qaban-qaabada soo dhaweyntiisa si weyn looga dareemayaa Magaaladda Hargeysa.waxaana si aan hore loo arag ugu diyaar garoobay dadwaynaha reer hargeisa oo u arka ninka kaliye ee xiligan ku haboon  talada dalka.

Taageereyaasha Xisbiga UCID ayaa durba diyaarsaday hal ku dhegyo ay ku soo dhaweynayaan Murashax Jamaal Cali Xuseen oo lugtii u dambaysay ee socdaalkiisa ku joogay Magaaladda Dubai ee Isu Tagga Imaaraadka Carabta.
Dalka Australia ayaa jaaliyada reer Somaliland ee halkaasi ku dhaqan uu kala qayb galay Xuska 18-ka may, waxaanu noqday murashaxii ugu horeeyay ee u tartamaya doorashada madaxtinimada Somaliland ee dalkaasi shacabka reer Somaliland kala qayb gala xuska 18-ka May.

Intii uu halkaasi ku sugnaa ayaa waxa uu kulamo kala duwan la yeeshay Taageerayaasha xisbigaasi uu ku leeyahay Magaalooyinka kala duwan ee dalka Australia, shacabka reer Somaliland ee dalkaasi ku dhaqan iyo waliba masuuliyin ka tirsan dalka Australia.

Sidoo kale socdaalkaasi ayaa waxa uu Somaliland u dhaliyay in codsi ku saabsan sidii loogu waxbarasho sare loo siin lahaa dhakhaatiir ka socota  Somaliland ay waxbarashadooda uga sii wadan lahaayeen dalkaasi.

Si kastaba ha ahaatee taageereyaasha xisbiga UCID ee Magaaladda Hargeysa ayaa isu diyaarinaya sidii ay u soo dhaweyn lahaayeen Murashax Jamaal Cali Xuseen

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version