Hargeisa(Wajaalenews) ;Dhaqdhaqaaqo xoogan ayaa ilaa xalay kasocday qaybo kamida gobolada somaliland waxaana la sheegay in abaabulkiisa ka socdo Gobolada Dalka ee Maroodi-jeex, ,Saaxil iyo Gabiley mudaharaadkan, oo ay dhalinyaradani ku wargaliyeen Wasaarada Arimaha Gudaha oo ay qoraal ugu gudbiyeen in ay qaban doonaan Mudaharaad salmi ah.Haseyeeshee, sida ay wararka xogogaalihi noo xaqiijiyeen ilo xogogaal ahi
Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland ayaa diidey in laga aqbalo mudaharaadkan salmiga ah ee ay dhalinyaradani ka dalbadeen Wasaarada Arimaha Gudaha, waxaana wararku intaa ku dareen inmaalmihii u dambeeyay abaabulka mudaharaadkani ka socdey Magaalooyinka Hargeysa,Berbera,Gabiley iyadoo la filayo in uu mar kawada qabsoomi dooni Magaalooyinkaasi. Waxa kale, oo Wararku intaa ku dareen in Mudaharaadkan, ay dabada ka riixayaan dhalinyaro aqoonyahan, ah oo ka biyo diidsan go,aankii Golaha Guurtidi ku xalisey khilaafkii Xisbiga Kulmiye, waxa ay nuxurka mudaharaadkan ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan Dhalinyarada beesha Subeer awal go,aankaasi iyo Barnaamijka Waji-kumacaashka ah ee dalka ka socda iyadoo dhoolatusyo kale lagu qabtey Magaalada Hargeysa,waxaana la filayaa in bari oo khamiis ah ay mudaharaadyadaasi dhici doonan,ilaa iyo hada lama sii saadaalin karo sida ay xukuumaddu uga hortagi doonto madama la oghaya in xukuumadda silanyo sida ay uga cabantahay arimaha noocan oo kale ah.
WAJAALENEWS DESK
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
KA DHIIBO ARAGTIDAADA