Hargeisa(Wajaalenews);Jeelka Wayn ee magaalada Berbera ayaa abaaro Saacadu markay ahayd 11:20 daqiiqo Waxaa Shoobaro ka dhigay Maxaabiistii Jeelka ku Jiray oo isku dayay in aay soo jiidhaaan askartii ilaalinaysay, Waxaana dhacday in aay si xooga uga hortageen ciidankii ilaalada xabsigu dibna ugu celiyeen kadib markii aay rasaas ooda kaga qaadeen iyagoo cirka u Ridaya, hadaba Dhacdadan ayaan khadka Telofanka kula xidhiidhnay Badhasaabka Gobolka saaxil fahmi cabdi Bidaar waxaanu Hadhwanaagnews u sheegay in isla mariiba uu tagay xabsiga si wanaagsana uu u dhagaystay wixii ay ka cabanayeen inkastoo aanu faahfaahin cabashadooda badhasaabka gobolka saaxil
Laakiin wuxuu sheegay in uu aqbalay dalabkoodii wixii ay tabamayeena dhakhso ugu hirgalinayo,Waxaanu dhex galay badhasaabku Goobaha ay u Hoydaan iyo Cuntada aay cuanaan, sidoo kale wuxuu eegay Goobaha aay biyaha ka cabaan , Waanu waraystay maxaabiista, xabsiga magaalda Berbera ayaa ah mid ay dhiseen dawladii Cusmaaniyiinta ee turkigu waxaanu dhisan yahay in akabadan qarni iyo badh, wax isbedela ama dayactir ahjna laguma samayn Nuurad korka laga marmariyo mooyaane, Xiligan lagu jiro ayaa ah xili aad ukulul oo drajadu xaraaradu gaadho [44] digrii,
Dad badan oo aqoon u leh Jeelka Berbera ayaa ku tilmaama in uu yahay Jeel Gumaysi xiligii turkiga la dhisay oo aad dhib iyo ciqaab ugu ah xiligan oo kale in qof ibna aadan ah lagu xidho, sida aay sheegayaana waqtigan kulul ee xagaaga maxaabiista waalaga wareejin jiray oo waxa la gayn jiray jeelka mandheera ama ka hargaysa