WAJAALE NEWS

Eng Maxamed Xaashi Cilmi Oo Soo Jeediyey In La Sameeyo Dawlada Ku Meel Gaadh Ah Si Adagna Uga Hadlay Xaalada Dalka

HARGEISA(Wajaalenews);Wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyadda Somaliland Eng Maxamed Xaashis Cilmi ayaa si adag ula hadlay xukumada madaxweyne Siilaanyo, isagoo ku tilmaamay dawlda dalkii maamuli kari weyday, isla markaana la soo baxday sifooyinkii lagu yaqaanay dawladii Maxamed Siyaad Bare.

Eng Maxamed Xaashi ayaa ugu horayn ka hadlay dhacdooyinka cusub ee mudooyinkii ugu dambeeyey ku soo batay dalka ee ah in ciidamo gaari habeenkii saqda dhexe u daataan guryaha cida lagu raad joogo, waxaanu yidhi

“Waxaan donayey in aan ka hadlo arrin inagu cusub oo ayeynaa hore u arki jirin oo dalka ku cusub oo la yidhaahdo qoladan RRU. Kolka hore waxaa is weydiin leh RRU waa maxay? Yaa xukuma? Yaa kharashka bixiya? Halkay inaga soo

gashay? Ma wax ka baxsan dawladeenaa oo ajinabi ayaa xukumada? Oo taasina ay wax u dhimayso madaxbanaanideeni. Kolka daalikhiliga la waydiiyo wuxuu yidhaahdaa anigu ma ogi, Gerneralka ciidanka booliska marka la waydiiyo wuxuu yidhaahdaa anigu ma ogi, markaa waxaa is waydiin leh RRU-da xagee laga amraa”

Maxmed Xaashi ayaa ku tilmaamay hab dhaqanka ciidamada RRU-da inay tahay mid qalafan oo ka baxsan nidaamka iyo dawladnimada, waxaanu yidhi isaga oo hadalkiisa sii wata:-

Dabeecada iyo habka ay u dhaqantaa waa hab aad u qalafsan, waana astaamaha kacdoonku ka dhasho. Nin ay maalintii suuqa ka helayaan oo fadhiya makhaayadaha oo aad yar loo keeni karo Saman, oo la odhan karo berito maxkamada kaalay ayaa intaas intay dhaafaan ayey saqda dhexe gurigii ugu galayaan oo ay jabsanayaan, waa wax inagu cusub. Maxaa wakhtigaas ay ula eeganayaan? Maxay caruurtii iyo reerkii ugu sasinayaan oo waxan oo dhibaato ah maxay dalwadu ku falaysaa? Hadii ay ka tahay hala baqo madaafiicdii ina Siyaad Bare iyo diyaaradihiisii waa la soo dhaafay oo wax lagu baqo maaha, hadii ay ilaabeen waanu u sheegaynaa waxaanu leenahay baqi ma jirto ee idinku ciirta hayska daadinina, wixii qayrkiin eeday mahadinmaysaan, dadka ka daaya argagax-gelinta”

Eng maxamed Xaashi wuxuu intaas ku daray in maamulka Siilaanyo ugu horeeyey boolis wax laaya waa sida uu hadalkiisa u dhigaye, waxaanu intaas ku daray in wixii SNM ka dagaalantay ay ka mid ahaayeen iyadoo xoriyatul qawlkii laga tagay, guryo loo dhacayo, xoolihii oo la dhacaayo iyo waxyaabo la mida.

Waxaa yara doqoonimo ah in nimankaas madaxda ah ee daakhiliga iyo booliska ah inay yidhaahdaan waxan dhacaya garan mayno iyaga ayey ku tahay doqonimo weyn, inay is casiliyaan ayey ahayd ilaahbaa risiqa hayee hadii aanay joojin karayn waxan socda”

Wasiirkii hore ee maaliyada Somaliland Eng Maxamed Xaashi ayaa intaas ku daray in hadii qaabka maanta dalku maraayo wax laga badali waayo xaalku noqon doono sida uu sheegay Soomaaliyadaa is wada cunaysa.

Eng Xaashi oo hadalkiisa ku dheeraaday ayaa dhamaadkii soo jeediyey in guud ahaan xilka dawladanimo ay iska casilaan xukumada Kulmiye, waxaanu sheegay inay maamuli kari waayeen xisbigoodii, taasina ay cadayn u tahay sida uu carabka ku dhuftay in aanay dalna maamuli Karin, waxaanu yidhi

Xisbiga KULMIYE wixii uu ka cabanaayey oodhan, haday musuqmaasuq tahay, haday sharci daro tahay wixii oodhan maanta iskaga ayaa ku dhaqmaaya, KULMIYE waxaan u malaynayaa ta qudha ee u fiican waa madaxweynaha iyagoo iska casila oo dariiqa u baneeyaan oo dawlada ku meel gaadh ah, sidii loo sheegaayey Baarlamanka wakhtigiisi uu dhamaaday sharci daro ayuu ku joogaa, kolkay shaqadooda qabsan waayaan ayaa la yidhaahdaa kordhin, kordhin dambe oo la aqbalayaa ma jirtee ninkii shaqadiisa ka seexdaw iskaga tag. Xisbi ayaad maamuli kari weydeen oo aad isku haysataan oo qayladiisu socotay mudadaas dhan, dalna ma maamuli kartaan, markaa waxa weeyaan shaydaanka iska naara, dariiqa baneeya, is casila oo dawlada ku meel gaadha hala sameeyo oo sharciyada hagaajisa oo aan waliba iyadu ka qayb galin doorashada”

 

wAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMail;wajalenews@gmail.com

Exit mobile version