WAJAALE NEWS

DAAWO+Akhriso: “Waxaan Qabaa In Labada Xisbi (UCID Iyo WADDANI), Mid Walba Is Leeyahay KULMIYE Ha Jabo Oo Ha Kala Daato” Prof. Axmed I. Samater

HARGEISA(Wajaalenews) ;Prof. Axmed Ismaaciil Samater, oo ka mid ah aqoonyahanka reer Somalilad ee qurbaha ku nool, ayaa ka hadlay khilaafka xisbiga KULMIYE, waxaanu sheegay inaanu ahayn khilaaf weyn, lana mid yahay uun khilaafaadka soo kala dhex gala asxaabta adduunka.

HORDHACA WAREYSIGA PROF AXMED ISMAACIIL SAMATAR

 

Axmed Ismaaciil Samater, waxa kale oo uu ka hadlay Mustaqbalkiisa siyaasadeed ee Somaliland, waxaanu sheegay inay shacabka reer Somaliland u taallo inuu dalka Madaxwayne ka noqdo, isaga oo ammaanay sida shacabka reer Somaliland dalkooda u dhisteen.

 

000000000000Prof. Axmed Ismaaciil Samater, ayaa wareysi dheer oo uu siiyey Telefiishanka Somali Channel, waxa qayb ka mid ah oo si hor-dhac ah loo soo daayey kaga hadlay khilaafka KULMIYE, waxaanu yidhi, isaga oo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyey khilaafka xisbibul Xaakimka Somaliland “Annigu ma qabo inay tahay wax sidaa u siin weyn (khilaafka Kulmiye), wax iska caadiya oo ka dhaca gudaha asxaabta adduunyada weeye”

 

Axmed Ismaaciil Samater, oo la waydiiyey in asxaabta Mucaaradka ah ee Somaliland ka hadleen khilaafka KULMIYE iyo inay daawanayaan, ayaa ku jawaabay “Labada xisbi ee kale tartanka ayay ku jiraan, haddaad dhan ka eegtana waxaan qabaa in mid walba is leeyahay KULMIYE ha jabo oo ha kala daato, markaana laba xisbi ee kale gegadu ha u banaanaato..” ayuu yidhi,waxaanu intaasi ku daray, isaga oo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyey Mustaqbalkiisa siyaasadeed iyo inuu Somaliland ka noqonayo Madaxwayne  “Taasi Dadka Reer Somaliland-bay u taallaa (Inaan Somaliland Madaxwayne ka noqdo)

 

Exit mobile version