WAJAALE NEWS

Daawo: Dawlada Ruushka Oo Ciraaq Siiyay Diyaaradaha Dagaalka Ee Sukhoi -25.

Baqdad (Wajaalenews):- Shanti diyaaradood ee ugu horeeyay dufcad diyaaradaha dagaalka ee Sukhoi -25, ayaa gaadhay dalka Ciraaq, waxaanay qayb ka yihiin ilaa labaatan diyaaradood oo nooca dagaalka ah, oo hore Ciraaq uga iibsatay dalka Ruushka, balse Maraykanku ku dhex dhacay.

Diyaaradahan ayaa Ruushku sheegay in toban ka mid ah uu dawlada Ciraaq farta ka saari doono, maalmaha soo socda, shanti diyaaradood ee ugu horeeyayna isla shalay ay gaadheen magaalada Baqdaad.

Afhayeen u hadlay wasaarada gaashaandhiga dalka Ciraaq ayaa war-saxaafadaad uu soo saaray axadii shalay, waxa uu ku sheegay in gurmad saaxiibtinimo dalka Ciraaq ka soo gaadhay waddanka Ruushka, kaas oo sida uu tilmaamay wax wayn ka tari doonta awooda ciidamada Cirka ee dalka Ciraaq.

http://youtu.be/6zr3fnVXC4U

Hargaysa Office
wajaalenews.net
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version