WAJAALE NEWS

Xukuumada-Somaliland-Oo-Ka-Dalbatay-Nageriya-In-Ay-Qaddiyadooda-Hordhigto-Midowga-Africa.

HARGEISA(Wajaalenews);Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka codsatay dalka Nigeria (Nayjeeriya) ee galbeedka Afrika inuu gacan ka gaysto sidii qaddiyadda madaxbannaanideeda loo hordhigi lahaa Ururka Midowga Afrika ee xaruntiisu tahay magaalada Addis Ababa ee waddanka Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa qoraal uu u qaybiyey shirweyne caalami ah oo ka qabsoomay dalka Nigeriya, kana qaybgaleen  madaxweynayaal badan iyo Ra’isal-wasaaraha Shiinaha, kaas oo qaybo ka mid ah Wargeyska Jamhuuriya turjumay waxa uu ku faahfaahiyey dhibaatooyinka aqoonsi la’aantu ku hayo ummadda Somaliland, isagoo Nigeriya ka codsaday inay ka taageeraan sidii  Somaliland uga gudbi lahayd duruufahaas.

“Dalka Nigeriya oo ah waddanka ugu dadka badan, uguna korriinta badan qaaradda Afrika, waxa Somaliland weydiisanaysaa inay naga taageeraan sidii qaddiyadda Somaliland loo horgayn lahaa ururka Midowga Afrika, mabaadii’da Midowga Afrika lagu aasaasayna waxa ka mid ah in la tixgeliyo xuduudaha dalalka Afrika ee xilligii madaxbannaanida laga qaatay guumaystayaashii, codsigayaga aqoonsiguna kama horimanayo, mana burinayo axdigaas (Midawga Afrika ku dhisan yahay,” ayuu Wasiir Biixi ku yidhi qoraalkiisa.

Waxa kaloo uu sheegay in aqoonsi la’aantu dhibaatooyin iyo dulmi badan ku hayso ummadda Somaliland, isla markaana saamayn qallafsan ku leedahay nolosha bulshada, waxaannu yidhi; “Aqoonsi la’aantu waxay nagu haysaa saamayn waxyeello oo xaqiiqo ah oo taabanaysa nolosha maalin walba ee muwaaddiniintayada. Sidoo kale, waxay waxyeello ku tahay rajooyinkayaga aannu ku doonaynno inaannu kaga gudubno caqabadaha na soo waajaha, waxaanan rajaynayaa in Nigeriya oo ka mid ah dalalka ugu saamaynta badan uu gacan ka gaysan karo sidii loo bilaabi lahaa hannaan lagu soo afjarayo hab-dhaqanka aan caddaaladda ahayn ee lagu hayo Somaliland.”

Qoraalka Wasiirka oo uu warbaahinta u gudbiyey suxufiga Siciid Cali Muuse oo ah khabiir Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland u qaabilsan isgaadhsiinta iyo xidhiidhka dadweynaha shalay, waxa kaloo lagu sheegay in caalamku dulmi badan ka galay Somaliland, xaqna aan loo siin inay ka qaybgalaan shirarka caalamiga ah ee khuseeya qaddiyadaha muhiimka ah ee khuseeya Afrika iyo guud ahaan adduunka, gaar ahaan shirarka Ururka Midowga Afrika, Bangiga Horumarinta Afrika iyo kulamada guud ee Qarammada Midoobay.

Shirka magaalada Abuja ee dalka Nigeriya ka qabsoomay oo la soo gunaanaday Jimcihii toddobaadkan ee taariikhdu ahayd 9 May 2014, waxa Somaliland uga qaybgalay wasiirrada Arrimaha Dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis iyo Ganacsiga Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, kuwaasoo qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland iyo khayraadka dabiiciga ah ee dalka ku jira la wadaagay ergo ka socotay in ka badan 35 waddan oo caalamka ah, kana mid ahaayeen toddoba madaxweyne iyo ra’iisal-wasaraha Shiinaha.

 

Xigasho:Jamhuuriya

Exit mobile version