Xumaanta sayid gaab xurama darada baashe moorgan,iyo xishood la,aanta xirsi waxay jarka xuuri doontaa xukuumada siilaanyo
HARGEISA(Wajaalenews);Waxaa maalmahan soo ifbaxaya fadeexado isbarkan oo kazoo burqanaya wargayska ku hadla afka xukuumada ,weerarna ku qaaday masuuliyinta hogaamiya xusbiga kulmiye oo ah kii ay kasoo baxday xukuumada haatan talada haysaa arinta ayaa ka yaabisay dadwayanaha reer Somaliland ,waxayna lafjab ku tahay xukuumad iyadii istabcaynaysa dhaqaalihii qarankana lagu weerarayo kuwii siilaanyo kursiga saray,
Wargayska dawan ayaa waxaa gacanta ku haya madaxwayne siilaanyo inan uu sodog u yahay kaasi oo awaamiirta dhabta ahsiiya sayid oo ah wariyayaashii idaacadii horyaal ee madaxwayne siilaanyo ku caytabi jiray xiligii uu mucaaridka ahaa. Haatana waxaa lagu aflagaadaynaa xildhibaandii qaranka iyo gudoomiyaha kulmiye muuse biixi cabdi bal aan eegno qoralada kusoo baxay wargayska dawan ;;
Siyaasi Afkiisa Isku Tafaafulay, Xisbigana Ku Talaalaya Sunneyaal Aan Maan-gal Ahayn
muuse biixi ayuu qoraalkani ku socdaa,
dhinaca kale waxaa aflagaado joogta ah loogu qoraa xildhibaan qabile oo kamida mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland oo dhawaan wax kasheegay khudbadii madaxwaynaha ka horjeediyay labada gole qaran isagoo naqdiyay hadaladii madaxwaynaha
Waxaa loo soo adeegsaday xildhibano kale waxayna ku tilmaamayaan qaran dumis ninka khudba madaxwayanaha wax ka sheegaa maqaran dumisbaa?bal hada eeg ciwaanka hoos ku qoran.
“Waxaan u Arkaa Inuu dambiile Qaran yahay, sharcigana la mariyo Qabile”
Xildhibaanada ayaa kala ah xildhibaan bukhaari iyo xildhiban axmed ducaale bulaale,
Waxaan leeyahay wargayska dawan ma afxumada ayuu can ku yahay waxaana aroorkasta loo qaybiyaa xafiisyada dawlada iyadoo aanu xanbaarsanayn wax horumara cay mooyaane
Waxaan gaba gabadii o dhan lahaa tala xumada masuulinyiinta hala sugo halka aysiilaanyo dhigto
Xumaanta sayid gaab xurama darada baashe moorgan,iyo xishood la,aanta xirsi waxay jarka xuuri doontaa xukuumada siilaanyo
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
QALINKII MAXAMED AXMED XIRSI