HARGEISA(Wajaalenews);Xoghayaha guud ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Md. Maxamed rashiid Muxumed Faarax ayaa canbaareeyay xadhiga Rumaanka ah ee maxkamadda gobolka Maroodijeex xabsiga ku dhigtay guddoomiyaha wargeyska HAATUF Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo tifaftiraha wargeyskaasi Axmed Cali Cigge.
Waxaanu ugu baaqay madaxweynaha Somaliland in uu si dhakhso ah xoriyadoodii ugu soo celiyo labadaasi weriye ee xidhan, isaga oo tilmaamay in xadhiga suxufiyiintaasi iyo sidoo kale xarumaha laga xidhay in uu ku calaamadsan yahay madaxweynaha, isla markaana aanay iyagu suxufiyiin ahaan cid kale u daba fadhiisanaynin arrintaasi.
Maxamed rashiid Muxumed Faarax, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Gabiley ka dib markii ay isaga iyo xubno kale oo weriyeyaal ahi xabsiga magaaladda Gabiley oo ay ku xidhan yihiin ay ku booqdeen Yuusuf Cabdi Gaboobe oo ah guddoomiyaha wargeyska HAATUF iyo Axmed Cali Cigge, oo ah tifaftiraha wargeyskaasi, waxa kale oo uu madaxweynaha Somaliland u soo jeediyay in arrinta labadaasi suxufi loo marayo, laguna dabaqo xeerka saxaafadda Somaliland ee xeer NO.Lr 27/2004.
Isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Aniga oo ah xoghayaha guud ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, aniga oo in badan muddo ah fasax ku maqnaa, waxaan doonayaa in aan ka hadlo arrinta lagula kacay Yuusuf Cabdi Gaboobe oo ah guddoomiyaha wargeyska HAATUF iyo Axmed Cali Cigge, oo ah tifaftiraha wargeyskaasi, marka hore waxaan halkan ka canbaaraynayaa xadhiga khaladka ah ee rumaanka loogu soo diray Yuusuf Cabdi Gaboobe, haddiiba la yidhi Yuusuf Cabdi Gaboobe wuu caytamay ama wuu hadlay, sababta Axmed Cali Cigge oo ah tifaftiraha wargeyska isna loo raaciyay, anigu waxaan u qabaa qorshe la sii sameeyay, oo loogu tallo galay in labadoodaba lagu xidho”.
Waxaanu intaasi raaciyay “Waxaan leeyahay madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, madaxweyne dimuqraadiyadda iyo Dastuurku waa ka aad ku tahay madaxweynaha, xoriyadoodii u soo celi labadan weriye ee xidhan, labadan meheradood ee xidhana faraha ka qaad, waayo waxani adiga ayay ku raacayaan adiga ayaana ku calaamadsan, walaa guddoomiye maxkamadeed ayaanaan anagu haysan, walaa wasiir ayaanaan haysan, walaa qof kale oo awood badan leh ayaanaan haysan, dalkan adiga ayaa laguu doortay, dimuqraadiyadda haddii aad ilaalin waydo, Dastuurku waa ka aad madaxweynaha ku tahay, oo cad ayaad ku fadhiisatay Far lagu codeeyay, markaa xeerkii Saxaafadda ee 27/2004 haddii aad ku dabaqi waydo” ayuu yidhi Md. Maxamed rashiid Muxumed Faarax.
Xoghayaha guud SOLJA, xeer saxaafadeed cusub oo uu sheegay in ay wadaan xildhibaano ka tirsan golaha Wakiiladda, waxaanu sheegay in xeerkaasi uu yahay mid aanay saxaafad ahaan waxba ka khusaynin, isla markaana aan lagu dhaqi Karin ama lagu maamuli Karin. Waxaanu yidhi “Waxa kale oo aan doonayaa in aan ka hadlo qoladda tidhi xeer ayaanu Saxaafadda u samaynaynaa ee uu xildhibaan Xasan Cawaale ka midka yahay, Xasan Cawaale muu ogayn Afar cisho ka hor ama Shan cisho ka hor in uu xeer jiro iyo in kaleba, hadana xeer ayaan samaynayaa ayuu leeyahay, annaga (Saxaafadda) xeer nooma samayn karo, cida uu ku dhaqayaana isaga ayay u taalaa”.
Dhinaca kale Md. Maxamed rashiid Muxumed Faarax, ayaa ugu danbayntii ugu baaqay dhamaanba suxufiyiinta Somaliland in ay u diyaar garoobaan mudaharaadyo lagaga soo horjeedo xeerkaasi. “Dhamaanba Suxufiyiinta reer Somaliland, marka laga reebo Afar xubnood oo aan iyagu mulkiileyaal ahayn, oo hadana sheegta magaca saxaafadda oo dawladda gacan saar la leh, inta kale waxaan leeyahay u midooba xeerkaasi, arrintana waxaan leeyahay yeeli mayno amana ogolaanayno, mudaharaadona waanu diyaarinaynaa aanu arrintaasi kaga soo hor jeedno” ayuu yidhi xoghayaha SOLJA
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM