WAJAALE NEWS

Xoggo Iftiiminaya Sababihii Ka Dambeeyay Xil Ka Qaadistii Wasiirka Ganacsiga Iyo Xubno Kale Oo Cadaadis Siyaasadeed La Saaray

HARGEISA(Wajaalenews);Xil ka xayuubintii Madaxweyne Siilaanyo ku sameeyay Wasiirkii Ganacsiga iyo Maal-gashiga Dr.Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa  ahayad arrin la filayay,isla markaana Madaxtooyadu wakhti badan galisay.

Xil ka qaadista Wasiir Maxamed Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa salka ku haysay Taageerada Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE,Wasiir Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa si badheedhaa u taageersanaa Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Wasiirkii hore ee Ganacisga iyo maal-gashiga ayaa ka mid ahaa Guddidi Shirweynihii KULMIYE,waxaanu kaalin muuqata ka soo qaatay dhamaadkii Shirka, waxaase uu si muuqata uga soo horjeesay Tallaabadii Guddidaasi Maalintii jimcaha ku shaaciyeen Liiska Golaha dhexe iyo Guddida Fulinta ee Xibsiga Kulmiye, taas oo aakhirkii Noqotay  middii sahayatay.

Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa si toosa uga soo hor-jeestay Tallaabooyin ay Xukuumadu  ku doonaysay in ay ku inqilaabto Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi,waxaana uu si Toos ah ugu tegay Madaxweynaha Maalintii shalay isagoo u  sheegay in dhacdooyinka Socda Haddii uu raalli ka yahay ay yihiin qaar Taariikh xumo keenaya oo Milgaha iyo Hannaanka Dawladnimo dhabar-jab ku ah.

Masuul ka tirsan Aqalka Madaxtooyada oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso ayaa Mareegta Ramaasnews,u sheegay in Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiir Maxamed Cabdilaahi Cumar ay dhex-mareen hadalo qalafsani, waxaana Markii dambe uu Maxamed Cabdilaahi Cumar  si cad madaxweyne Siilaanyo dhegihiisa u maqashiiyey inaanu door bidaynin ka sii mid ahaanshaha xukuumad Dagaal kula jirta Xisbigeedii.

Warar dheerada oo ay Mareegta Ramaasnews,ka heshay warkani ayaa sheegaya in uu Madaxweyne Siilaanyo dib u xasuustay Abaalkii Wasiir Maxamed Cabdilaahi Cumar u soo galay Xiligii Halgankii Kursi doonka uu ahaa,isla markaana ka cagajiiday in uu xilka ka qaado.

Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in uu Madaxweyne Siilaanyo cadaadis,kala kulmay Xubno ka tirsan Xukuumada isla markaana xubnahaasi ku dirqiyeen in uu Si deg deg ah Xilka uga qaado, taas oo uu markii dambe Go’aankeeda qaatay.

Geesta kale waxay tibaaxuhu intaasi ku darayaan in ay jiraan Xubno isugu jira Wasiiro iyo Masuuliyiin kale oo la saaray Cadaadis Siyaasadeed oo Nuxurkiisu yahay ka midaysanaanta Fikirika Siyaasadeed oo ay ka siman yihiin Hogaanka Xisbiga KULMIYE

Exit mobile version