HARGEISA(Wajaalenews);Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Md:Cali Maxamed WaranCadde ayaa ka hadlay qarax labadii habeen ee u danbeeyey ka dhacay gudaha magaalada Hargeysa,waxaana uu sheegay in qaraxaasi uu ahaa mid laga sameeyey wal-Xaha qarxa(Shaani),waxaana uu carabka ku dhuftay in ay ilaa hada u qabqab teen dad dhawra ku waasi oo ay ku tuhun sanyihiin in ay ka danbeeyeen iyada oo uu sida oo kalena uu tibaaxay in ay kuwa kalena ku daba jiraan.
Wasiir Cali Maxamed WaranCadde ayaa hadalkan ka sheegay Shir jaraa’id oo uu saaka ku qabtay Xarunta wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland,waxaana uu sheegay in dadka loo soo qabqabtay khakhalk galinta nabadu in ay wajihi doonan cadaalada dalka taala
Ugu horayn Wasiir Cali Maxamed Waran Cadde oo ka hadlaya qaraxaas iyo ujeedada laga lahaa ayaa waxaa kamid ahaa hadaladiisii:
Waxaad la socotaan in ladan habeen uu ka dhacay ama ladhigay Magaalada meelo gooni ah bahashan layidhaahdo shaanida oo runtii sababteedu ay tahay in caruurta iyo Maatida hurdada lagaga khalkhal galiyo oo runtii Xalay iyo habeen horeba ka dhacday Magaalada oo xalayn meel ku dhaw wasaarada Ganacsiga,habeen horena Hindiya Line-ka ahayd”
Sida oo kale isag oo Wasiirku hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu tibaaxay in qaraxyadan labadii habeen ee u danbeeyey ka dhacaayey gudaha Magaalada Hargeysi uu bilaabmay markii ay bilaabantay khilaafka maamul ee u dhaxeeya Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE
“Arintaasi oo sida aad ka wada warqabtaan waxaa ay bilaaban tay markii khilaafka KULMIYE soo shaac baxay,waxaana aad layaab u leh in rag waaweyn oo mudakara in khilaafkii maamul ee u dhaxeeyey KULMIYE dhexdiisa in ay gaadho ama loo isticmaalo ama raga qaarkii ay ku fakeraan in raga qaarkii ay nabad galyada qarankan ay isku dayaan”Ayuu yidhi Wasiir Cali Maxamed Waran Cadde
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md:Cali Maxamed Waran Cadde waxaa uu sida oo kale uu sheegay in qarankani uu helitaanka nabada iyo ka hortaga cid kasta oo khalkhal galin kartaba,waxaana uu carabka ku sii adkeeyey in ay ilaa hadana diyaar u yihiin in laga badbaadiyo cidkasta oo khalkhal iyo sumcad dilis ku keeni karta qaranka
waxaan jeclahay in aan halkan aan idiin ka sheego in qarankani waxaa uu ku faanaa waa nabad galyo umadan iyo bulshadana waxaa ay muddo dheer iyo wada adag ay u soo martay oo ay ku guulaysatay in ay ka adkaato cid kasta oo isku dayda in ay khalkhal galiso maantana diyaar ayaa loo yahay in laga badbaadiyo qaranka iyo sumcada shacabkaba cid kasta oo isku dayda ama cadaw gudaha ah ha ahaado ama mid dibada ahba ee in aanay u suurta galin in hantida umadan haysato ee ah Nabada la khalkhal galiyo,makraa in rag noocaas ahi ay isku dayaan wax yaabahaa sidaasi oo kale ah iyaga oo aan u tudhayn umadooda iyaga oo aan u tudhayn qarankooda iyaga oo aan u tudhayn naftooda in ay sameeyaan.Markaa runtii waxaanu ka hawl galnay cidii ka danbaysay ilaa xalayto qarax yadaa,waxaana ay cidamada amnigu ay gacanta ku dhigeen Rag dhawra oo loo tuhunsan yahay qaar kalena waa lagu daba jiraa,waxaana ay wajihi doonaan hadii ALLEH yidhaahdo Cadaalada iyaga iyo cida ka danbaysaaba”Ayuu yidhi Wasiir Cali Maxamed Warran Cadde
Ugu danabyntii waxaa uu wasiirku uu kahadlay wasiir ku xigeenkiisii hore ee Aniga Cabdilaahi Abokor oo habeenkii xalay ahaa Ciidamada RRU-du ay xabsiga u taxaabeen,waxaana uu sheegay in u aad uga xun yahay in wasiir ku xigeenkiisi hore uu ku kaco falal khal khalkhal galin kara qaranka Somaliland.
“Anoo aad iyo aad uga xun wasiir ku xigeen kaygii hore ee Amniga oo runtii aanu muddo wada shaqaynay oo aan layaabay sida ay wax uga dhaceen oo runtii ku kacay arimo khalkhal galin kara nabad galyada iyo sumcada qarankan Somaliland oo aynu wada ogsoonahay halka aynu ka taaganahay horumarkeena iyo wanaaga aynu ku wadno in hadalo tashuush iyo sumcad xumo galin kara maaha uun qof laakiin qaranka guud ahaanba in ay ka dhacday Wasiir ku xigeenkaygii hore sidaa awgeedna la damcay in wax laga waydiiyo wax laga waydiiyo waxaa uu dunida u bandhigay,hase yeeshee markii la isyidhi wax ka qorana uu kala horyimi iska caabi hubaysan oo runtii naftiisa iyo nafta ciidamada Amnigaba uu khatar ku galiyey dee markaa waxaa aynu ognahay qaran ayaa aynu nahay sharcigana nin ka wayni ma jiro,waxii khalkhal galinaya amnigana ciidamadu waxaa ay awood u leeyihiin in ay gacan adag ku qabtaan waxii khal khal wada si loo badbaadiyo nabad galyada iyo jiritaanka qaranka kan,sidaa awgeedna xalay intas ayaa dhacday ragii kale ee hadhayna waanu ku daba jirnaa,waxaanan jecel nahay insha alaahu in aanu dhakhso aanu gacanta ugu dhigno”Ayuu ydhi Wasiir Cali Maxamed Warran Cadde
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM