WAJAALE NEWS

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland oo shacabka ku Bogaadiyey Sidii Nabada ahayd ee ay uga qayb qaateen Xuska 18-ka may

HARGEISA(Wajaalenews);Guud ahaanba dalka Somaliland ayaa si weyn looga xusay Munaasibada 18-Ka may oo shalay ku beegnayd.

Guddoomiyaha Gudida qabanqaabada ee xuska 18-ka May Cali Maxamed Waran-cade ayaa guud ahaanba shacabka reer Somaliland uga mahad celiyay sidii fiicnayd ee ay uga qayb galeen xuska 18-ka May.

Qoraal kooban oo uu soo gaadhsiiyay warbaahinta ayaa waxa uu ku yidhi waxaan halkan uga mahadnaqaya  dhamaan shacabka Somaliland Meel kasta oo ay joogan Dalka gudihisa iyo Dibadiisaba  sida Qiimaha weyn ee ay ugu Dabal dagen Maalinta Qarannimada somaliland 18/05/2014 ee sanad Guurada 23aad ee laso noqoshada Madax bananaanida Somaliland.

waxa kale oo aan halkan Hambalyo uga diraya Ciidamada Qaranka Somaliland  ee sida kartida iyo geesinimada leh u sugaayey Amniga iyo kala Danbeynta Goobaha Lagu Qabanayey Xafladaha dabaldaga.

ugu danbeyn waxaan ilaahay idinka rajaynaya in sanadka sanadkisa aad ku gaadhan bashbash iyo barwaaqo iyo ictiraaf caalami ah .
Alle Mahad Leh

ALI  Mohamed waranade

Wasiirka Arimaha Gudaha Somalinad Ahna Gudomiyaha Gudida Qabanqabada ee xuska Maalinta Qaranimada Somaliland  18/05/2014

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version