WAJAALE NEWS

WAR DEG DEGA KAALINTA SHIDAALKA EE KAAH OO DAMQABSADAY IYO KHASAARE BAAHSAN OO UU GAYSTAY

HARGEISA(WAJAALENEWS);Dab xoog leh ayaa ka kacay Kaalinta Shiidaalka Ee Kaah oo ku taala Dhinaca Barri ee Magaaladda Hargeysa.kaasi oo sobobay khasaare baahsan, lama ogo waxa sobobay damkan

 

GURMADKA XAGA DAWLADA OO AAN WALI MEESHA SOO GAADHIN IYO WARLA.AANTA DADWAYANAHA

 

Lama garanayo khasaare uu sababay dabkaasi, balse dad goob joogeyaal ah oo ku sugnaa Kaalinta shiidaalka ee Kaah ayaa Wajaalenews  u sheegay in uu dab xoog lihi ka kacay kaalinta shiidaalka ee Kaah, halkaas oo ay ku gubteen kaalintii iyo waliba gaadiid kale oo yaalay barxada hore ee Hudheelka

Qiiq madoow iyo uuro ka kacday dabkaasi qabsaday Kaalinta Shiidaalka ee Kaah ayaa idil ahaanba laga arkayay Magaaladda Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Maaha Markii ugu horeysay ee kaalin shiidaal uu sidan oo kale dab uga kaco, balse sanado ka hor ayaa wax uu dab laxaad lihi ka kacay kaalmo shiidaal oo ku yaala Badhtamaha Magaaladda Hargeys

WIXII KASOO KORDHA IYO KHASAARAHA DHABTA AHBA KALA SOCO WAJAALENEWS

Exit mobile version