HARGEISA(WAJAALENEWS);Ururka Samafalka ah ee Dal-Dawan oo ka shaqeeya arimaha Bulshada ayaa barnaamij Taburacaad adeeg Caafimaad ah u fidiyey 200 oo qof oo ku nool dagmada Go’da weyn ee Ka tirsan Gobalka Saaxil.
Ururkan Samafalka ah ee Dal-dawan oo kaashanaaya ururka Dhakhaatirta Dayeel ayaa waxaa ay hawlo baadhitaan caafimaad ah ay u sameeyeen dadka ku dhaqan dagmada Go’da-Weyn iyada oo ay ka baadhayeen xanuunada guud,waxaana dadka halkaasi ay sida oo kale ay siinayeen Dawooyinka Xanuunada laga helay.
Guud ahaanba Masuuliyiinta,iyo dadweynaha ku dhaqan Dagmada Go’da Weyn ayaa Barnaamijkan Taburacaadka Khayriga ah si aad u soo dhaweeyey,waxaana munaasibad kooban oo ay dadka deegaankaasi kaga mahad celinayaan adeega daryeelka Caafimaad ee loo sameeyey ay ku qabteen Hoolka shirarka ee Dawlada Hoose ee Dagmada Go’da Weyn.
Munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen Gudoomiyaha Dagmada Go’da Weyn,Ururka Samafalka Dal-dawan,Dhakhaatiirta iyo shacbiga ku dhaqan Dagmada Go’da weyn,waxaaana Munaasibadaasi ugu horayn ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Samafalka ah ee Dal-dawan Md:Cabdalle Cawil Xasan waxaana uu ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay in ay barnaamij caafimaad ka fuliyaan Dagmada Go’da Weyn ,waxaana uu xusay ay ka dib markii ay arkeen baahiyaha caafimaad ee deegaanka ay ku dhiiradeen ka Urur ahaan in iyada oo aan meelna laga caawinayn ay iska kaashadaan sidii ay tabaruc ahaan ay u diyaarin lahaayeen dhakhaatiirta iyo dawooyinkii ay dadkaasi siinayeen waxaana ka mid ahaa hadaladiisii:”ugu horayn mati sharafta halkan isagu timi,Masuuliyiinta Dagmada Go’da Weyn,Dhakhaatiirta,iyo dadka kale ee ka soo qayb galayba waxaan idin ku salaamayaa salaanta islaamka,intaa ka dib waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa dadka soo qaban qaabiyey Munaasibadan Mahadcelinta ah,runtiina arintan taburacaadka khayriga ah waxaa uu ka yimi dhaliyaro isku xilqaamay in ay dagmadan Go’da-Weyn ay Mashruucan Khayriga ah ka fuliyaan,Waxaanan runtii aad si gaarana aan ugu mahad celinayaa Maamulka Dagamada Go’da-Weyn oo si kal iyo laaba noo soo dhaweeyey nalana shaqeeyey anaga iyo dhakhaatiirta sida hagar l’aanta ah wakhtigooda ugu soo huray in ay mashruucan kharyriga ah ay ka fuliyaan dagmada Go’da-Weyn”Ayuu yidhi Gudoomiyaha Ururka Dal-Dawan Md:Cabdale Cawil Xasan
Dr:Mustafe Cabdi Xasan oo isna munaasibadaasi hadal kooban ka jeeidyey ayaa isna ka hadlay dareenkiisa ku aadan in ay maanta ka qayb qaataan mashruucan khayriga ah,waxaana uu xusay in ay dad ilaa 200 oo qof ah ay u fuliyeen baadhitaano Caafimaad, siiyeena dawooyinka Xanuunadii laga helay,waxana u sida oo kale uu si aad ugu mahad celiyey Maamulka Dagmada Go’da-Weyn, oo si hagar la’aan ah ugala qayb qaatay fulinta arintani
Gudoomiyaha Dagamada Go’da Weyn Md:Cabdilaahi Cabdi Cali oo isna ugu danbayn tii halkaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyey dhaliyartii isu soo xilqaama in ay gartaan in ay mashruucan khayiga ah ka fuliyaan Dagmada Go’da Weyn,waxana u sida oo kale uu ka codsaday in ay baadhitaano caafimaad oo kale ay ku yimaadaan dagmada Go’da Weyn”aad iyo aad ayaanu idiin ku mahad naqaynaa barnaamijkaa balaadhan ee aad Dagmada Ka samayseen ilaahayna ha idin ka jasaa’il siiyo,dee kan mid ka balaadhana oo ilayn dhulku dee waa dhul qarfaayo dadku fiixo miidhana ayey ka cabanayaanee idinka oo macaal qalniinadiina wata aad noo timaadaan mar kale anagu dhinacayaga aanu waxii karaan kayaga ah aanu idiinka la gaysano”Ayuu yidhi Gudoomiyaha Dagamda Go’da Weyn Md:Cabdilaahi Cabdi Cali